Monday, June 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Itoobiya oo ka digtay in la fara galiyo arrimaheeda gudaha

caqiil by caqiil
April 24, 2021
in Wararka
0
Itoobiya oo ka digtay in la fara galiyo arrimaheeda gudaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Amniga Qaranka ee Itoobiya, ayaa ku eedeeyay  waddamada caalamka qaar inay ka shaqeynayaan inay khatar geliyaan xasilloonida dalka, iyagoo sheegay in cadaadiskasta oo la saaro uusan ka hor istaagidoonin buuxinta Biyo-xireenka Al-Nahda iyo qabashada doorashooyinka dalka.

Bayaan ka soo baxay Golaha Amniga Qaranka Itoobiya, ayaa lagu sheegay in cadaadisyada gudaha iyo dibaddaba ay ka shaqeynayaan sidii ay waddanka u gelin lahaayeen dagaallo iyo fowdo.

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

Kulan ay yesheen Golaha Amniga Qaranka ee Itoobiya oo uu shir gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa lagu sheegay in cadaadis kasta oo la dul dhigo ay fulin doonaan howsha buuxinta labaad ee biyo xireenka Al-Nahda ee wabiga Niil, iyaga oo sidookale digniin u diray wax ay ku tilmaameen fara galin shisheeye.

Golaha Amniga Qaranka ee Itoobiya, ayaa ugu baaqay shacabka Itoobiya, inay ku garab istaagaan dowladooda horumarka iyo xasiloonida dalka.

Tani ayaa imaaneysa xilli Washington ay Jeffrey Feltman, u magacaawday ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, iyadoo la sheegay in arrinka Biyo-xireenka Wabiga Niil  uu qeyb ka yahay waxyaabaha mudnaanta leh ee uu ka shaqeeyn doona ergaygaan cusub ee Mareykanka uu u soo magacaabay Geeska Afrika.

Previous Post

Maraykanka oo ergey cusub u soo magaacabay Geeska Afrika

Next Post

Mareykanka oo soo jeediyay in Liibiya laga saaro dhamaan ciidamada shisheeye

Next Post
Mareykanka oo soo jeediyay in Liibiya laga saaro dhamaan ciidamada shisheeye

Mareykanka oo soo jeediyay in Liibiya laga saaro dhamaan ciidamada shisheeye

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In