Friday, July 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adaha xuquuqda aadanaha oo sheegay in sanadkii la soo dhaafay Yaman lagu dilay caruur ka badan 1,400

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Hay’adaha xuquuqda aadanaha oo sheegay in sanadkii la soo dhaafay Yaman lagu dilay caruur ka badan 1,400
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’ad u dooda xuquuqda aadanaha ee Yemen ku sugan ayaa shaaca ka qaaday dilka boqolaal caruur ah  oo ay da’dooda ka yar tahay shan iyo toban sano, oo ay maleeshiyada Xuutiyiinta u qorteen inay kula dagaalamaan Ciidamada ka soo horjeeda.

Madaxa Mu’asasada Difaaca Xuquuqda iyo Xorriyada, Huda Al-Saraari, ayaa xaqiijisay in 1,410, carruur ah oo ay da’doodu u dhexeysay 10-15 sano lagu diley aagaggii ay ka dagaalamayeen maleeshiyada Xuutiyiinta sanadkii la soo dhaafay.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

July 9, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

July 9, 2026

Al-Sarari ayaa sheegtay in maleeshiyada Xuutiyiinta ay qorteen in kabadan 30,000 oo caruur ah, si ay uga qaybqaataan dagaalada, 10 kun oo kamid caruurtaas ayaa la sheegayaa in si qasab ah loo galiyay dagaalada.

Baarayashii soo aruuriyay xogtan ayaa ogaaday in maleeshiyada Xuutiyiinta ay inta badan Caruurtan  ku soo jiiteen xeryahii Milatari ee ay horay ula waregeen, kuwaa oo gaaraya 52 xero, halkaas oo illaa hadda  lagu tababaro boqolaal caruur ah.

Warbixinta waxay intaa ku dartay in Xuutiyiinta ay xireen iskuulada iyo dhamaanba goobahii waxbarashada sidaana ay ugu fududaatay Askareeynta caruurta Yaman.

Maleeshiyadan ayaa markasta ku dadaala badalidda maskaxda carruurta iyo guud ahaanba dhalinyarada Yaman iyaga oo manaahijta waxbarasho ku saleeya kooxaysi iyo fikiro qalloocan.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta K/G oo kulan la qaatay Taliska AMISOM ee Magaalada Baraawe.

Next Post

Xukuumadda Soomaaliya oo soo dhaweysay in Midowga Afrika Ergay u soo magacawdo Soomaaliya

Next Post
Wasiirka warfaafinta: Imaaraadku ma aqoonsana dowladnimada Soomaaliya

Xukuumadda Soomaaliya oo soo dhaweysay in Midowga Afrika Ergay u soo magacawdo Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

July 9, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta Beerta Nabadda kulan kula yeeshay suxufiyiinta warbaahinta...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

July 9, 2026
0

Taliska Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta xaruntiisa ku qabtay shirka Talisyada Qaybaha Ciidanka Dhulka, kaas oo uu...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY TALISKA GUUTADA 77 EE CXDS OO DIB U DHIS BALLAARAN LAGU SAMEEYAY

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY TALISKA GUUTADA 77 EE CXDS OO DIB U DHIS BALLAARAN LAGU SAMEEYAY

July 9, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray dib u dhis iyo casriyeyn ballaaran oo...

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Brazil oo Madaxweynaha Brazil u gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Brazil oo Madaxweynaha Brazil u gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga

July 9, 2026
0

Safiirka Aan Deggenayn ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Brazil Mudane Dr. Omar Dufle, ayaa maanta Madaxweynaha Brazil,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In