Friday, September 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo uga warbixiyay Golaha Shacabka arrimaha Doorashooyinka iyo Xaaladda Dalka “SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo uga warbixiyay Golaha Shacabka arrimaha Doorashooyinka iyo Xaaladda Dalka “SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadal ka jeediyey fadhi gaar ah oo Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay yeesheen ayaa uga warbixiyay xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka, waxa uuna ka codsaday in loo noqdo heshiiskii 17-ka Sebteembar ee hagaya hannaanka doorashada dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay dadaalkii muuqday ee dowladdu ay ku bixisay qabsoomidda doorasho ka tarjumeysa horu-socodka dalka, iyada oo mudnaanta la siinayo in midnimo iyo wadajirka lagu xaqiijiyo geedi socodka siyaasadeed iyo dimuqraadiyadeed ee dalka.

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026

“Dowladda waxaa ka go’nayd in dalku uu galo doorasho degdeg ah oo waafaqsan heshiiskii 17-kii Sebteembar iyo talooyinkii Guddiga Farsamada ee 16-kii Febraayo 2021. Haseyeeshee, waxaan ka gudbi weynay caqabado gacan-ku-rimis ah oo laga lahaa ujeeddooyin gaar ah iyo dano gurracan.”

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble uu hoggaamin doono diyaarinta, hirgelinta doorashada iyo amnigeeda, si ay doorashadu ugu qabsoonto jawi nabad ah oo xasilloon.

“Waxaan Ra’iisal Wasaaraha u xilsaaray qabanqaabada iyo martiqaadka saxiixeyaasha heshiiskii 17 September 2020, si loo meelmariyo heshiikaas iyo talooyinkii farsamo ee kasoo baxay shirkii Baydhabo ee16-kii Febraayo 2021. Sidaa daraadeed, waxaan farayaa Xukuumadda in ay u diyaar garowdo howshaas baaxadda wayn ee hortaalla.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay dhiirri-geliyaan nabadda iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, lana garab istaago Ciidamadeenna Qalabka Sida,isaga oo ugu baaqay siyaasiyiinta in ay ka shaqeeyaan danta guud, kana waantoobaan kicinta dadweynah iyo ficil kasta oo amniga ka dhan ah.

Previous Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay in dib loogu laabto heshiiskii 17-kii September

Next Post

Mareykanka iyo Midowga Yurub oo soo dhaweeyey go’aanka Baarlamaanka Sooomaaliya

Next Post

Mareykanka iyo Midowga Yurub oo soo dhaweeyey go'aanka Baarlamaanka Sooomaaliya

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In