Kulan uu shir guddoomiyay Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ka dhacay hoyga Madaxweynaha Galmudug ayaa looga dhawaaqay go’aannadii ka soo baxay guddigii farsamada ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u xilsaaray xallinta xasaradihii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qodobada heshiiska galabta lagu gaaray magaalada Muqdisho waxaa ka mid ah:
- In dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021.
- In xuquuqda ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas.
- In si gooni ah loo xaliyo Saraakiisha leh duruufaha gaarka ah, sida: Darajooyinka, Mushaaraadka iyo Xuquuqda kale ee Ciidan.
- In kalsooni laga dhex abuuro hay’adaha amniga iyo siyaasiyiinta qaba tabashooyinka amni.
- In Ra’iisul Wasaarahu soo saaro wareegto uu ku farayo taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida.
- In aysan ku milmin arrimaha Siyaasadda.
- In aysan bixin ammarro ay ka dhalan karto khalkhal amni iyo mid siyaasadeed.
- In la magacaabo guddi khubaro Ciidan ah oo kala taliya Ra’iisul Wasaaraha dib u habaynta Ciidamada Qaranka.
- In aan Ciidamada Qalabka sida loo adeegsan arrimo siyaasadeed, faragalinna lagu samayn.
- In dhamaan dhinacyadu ay joojiyaan ficilada iyo hadalada abuuri kara colaad iyo nacayb.
- In lasoo celiyo gaadiidka iyo hubka gaarka loo leeyahay ee lagu kala qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho lana soo daayo dadkii loo xiray.
- Fulinta qodobadaan waxaa masuul ka ah Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa.