Raโiisiul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray howsha lagu furayo ciidammada looga qaadayo qaar ka mid ah jidadkii ku xirmay qalalaasihii dhawaan ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dhaqangelinta heshiiskii nabadeynta caasimadda ee shalay lagu gaaray Muqdisho.
Raโiisul Wasaaarha ayaa tagay meel aan sidaa uga fogeyn isgoyska dabka iyo Isgoyska Mirinaayo, si uu indhihiisa ugu soo arko howsha ciidanka iyo carrada looga qaadayo goobahaas muhiimka ah.
Raโiisul Wasaaraha ayaa sheegay in amniga caasimadda lagu wareejiyay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed, isagoo kula dardaarmay taliyaha guud ee booliska inay gutaan masโuuliyadda ka saran sugidda ammaanka caasimadda.
Hoos ka Daawo
https://www.facebook.com/RadioMogadishu/videos/541631010553848