Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta la kulmay guddiga shirkadaha Diyaaradaha Dalka, maalin kaddib markii ay Kenya xayirtay duulimaadyada Soomaaliya.
Kulanka ayaa looga hadlay hannaan lagu wajahayo inaysan saameyn ku yeelan Diyaaradaha xayiraadda Dawladda Kenya ku soo rogtay isu-socodka, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska Wasiirka.
โWaxaan ballan-qaadayaa in Dawladda ay kala shaqeynayso ganacsatada Diyaaradaha wax kasta oo u sahlaya inuusan goโaankan saameyn ku yeelan.โ ayuu yiri Wasiir Duraan Faarax.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ย ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay sida ay Dawladda Soomaaliya uga goโaantahay in la horumariyo iskaashiga duulimaadyada waddamada gobolka.