Tuesday, December 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad lagu maamusayey Maalinta dhalinyaradda oo lagu qabtay magaalada Dhuusomareeb.

admin by admin
5 years ago
in Wararka
0
Munaasabad lagu maamusayey Maalinta dhalinyaradda oo lagu qabtay magaalada Dhuusomareeb.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

15-ka May, maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo ku beegan aas aaskii ururkii dhaliyarada SYL ayaa xalay laga maamuusey Magaalada Dhuusamareeb oo ay ka dhacdey munaasabad balaaran oo ay wadajir usoo agaasimeen Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Galmudug iyo Ururka Dhalinyarada Caasimada, iyadoo goobta oo ay joogeen wasiiro iyo madax ka socotay bulshada rayadka, lagu casuumey waayo joog wax badan kala socdey halgankii taariikheed ee dhalinyaradu u gashey hanashada xuriyada iyo wadooyinkii adkaa ee ay u soo mareen ka guul gaarida dadaalkaasi.

Calas Cabdinuur Barre oo ah gudoomiyaha ururka dhalinyarada Dhuusamareeb iyo qaar ka mid ah ka qayb galayaasha ayaa ku dheeraadey ka hadlida doorka Dhalinyarada ee Dowlad dhisida Soomaaliya iyo ururadii gobonimo doonka sida kii SYL.

Related posts

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025

Gudoomiyaha Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta madasha kula hadley Dhalinyarada ayaa u jeediyay dardaaran ku qotomey sii wadista himilooyinkii dhalinyaradii Soomaaliyeed ee curiyay dadaalkii lagu tuuray heeryadii gumeysiga.

Omar Abdi Mohamed Guure agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaaraha Galmudug ayaa ugu dambeyn dhalinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Xuska 15-May oo ah maalin taariikheed.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo munaasabadda xuska SYL ku maamuusay dhallinyarada Soomaaliyeed “Sawirro”

Next Post

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo loogu dilay Dalka Koofur Afrika.

Next Post
Burcad South African oo dab qabadsiiyay Goob ay leeyahihiin Ganacsato Soomaaliyeed.

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo loogu dilay Dalka Koofur Afrika.

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shir 5 maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha isbeddelka cimilada iyo nidaamka helida...

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO(GALGADUUD):-Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Cabdi Cusmaan Cabdullaahi iyo Gallad Axmed Xuseen, sidoo...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay kulanka xiritaanka ee Madasha Caalamiga...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa si rasmi ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In