Tababarkaan oo ayaa daahfurkiisa waxaa kasoo qeyb galay wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyada XFS , Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshada Gobolka Banaadir, Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir , iyo Masuuliyiin kale.
Tababarkan ayaa waxaa so qaban qaabiyey ururka dhalinyarada gobolka Banaadir Waxaana looga hadlayaa doorka dhalinyarada ee nabada iyo doorashooyinka.
Sidoo kala Tababarkan ayaa qeyb ka ah maamuuska 15ka may oo ku beegan 78 guuradii Aas aaskii ururkii dhalinyaraddii gobonima doonka ahayd ee SYL 1943dii.
Tababarkan oo socon doono mudo 2 maalin ah ayaa waxaa dhalinyaradda fursad u helay ka qeyb galkiisa looga faaiideyn doonaa cashiro muhiim ah oo ku saabsan doorka dhalinyaradda ee nabada iyo Arrimaha Doorashooyinka.