Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee New York oo sheegay in uu baaraitaan ku hayo Shirkadaha Trump

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee New York oo sheegay in uu baaraitaan ku hayo Shirkadaha Trump
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Afhayeen u hadlay dacwad oogaha sare ee gobolka, Letitia James, ayaa sheegay in baaritaanka lagu sameeyay shirkadda Mr Trump in uusan sii ahaan doonin mid madani ah.

Ms James ayaa sheegtay in baaritaanka lagu hayo hantida  madaxweynihii hore uu bilowday ka hor inta uusan xafiiska imaanin.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Trump ayaa diiday in uu wax khalad ah sameeyay isagoo sheegay in dacwadan ay wadaan xeer ilaaliyaha dimoqraadiga ah ay siyaasad ka dambeyso.

Bayaan ka soo baxay waaxda caddaaladda laguma sheegin in baaritaanka uu ahaa madani sidoo kalena lagama sheegin madaxweynaha qudhiisa eedaha wax ku leeyihiin, badanaa kiisaska madaniga ah shakhsiga ama hantidiisa gaarka ah ayay khuseysaa dacwadda.

Xeer ilaaliyaha New York Ms James ayaa baaritaanka bilowday bishii Maarso kolkaas oo Trump hantidiisa ka been sheegay si uu amaah ugu qaato bankiyada  isla markaana hoos u dhigo heerka canshuurta .

Xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa raadinaya documentiyada affar hey’adood oo Trump leeyahay kuwaas oo kala ah, daaradaha uu ku leeyahay degmada Manhattan, Upstate New York, Chicago iyo Los Angeles.

Xeer ilaaliyaha degmada Manhattan Cyrus Vance Jr ayaa dukumiintiyada maxkamada ka sheegay bishii Ogosto ee la soo dhaafay in xafiiskiisa uu baarayo “fal dambiyeed daba dheeraaday” oo ka dhacay hay’ada Trump.

Diiwaangelinta sharciga ah ee Mr Vance waxay xustay maqaallo wargeysyo ku saabsan bangiga la sheegay iyo khayaanada caymiska ee shirkadda.

Qareenka degmada Manhattan ayaa sidoo kale baarey in mid ka mid ah diiwaanada maaliyadeed ee Mr Trump la qirey si loo qariyo lacagaha shushugga ah ee la siiyo laba haween ah sanadkii 2016 kuwaas oo sheegay inay arrimo la leeyihiin.

Xafiiska Mr Vance ayaa sheegay in bishii Febraayo ay heleen canshuur celinta Mr Trump oo qeyb ka ah baaritaanka, kadib dagaal dheer oo dhanka sharciga ah.

Intii uu madaxweynaha ahaa, Mr Trump wuxuu si adag u diiday inuu shaaca ka qaado canshuur celintiisa, in kasta oo uu cadaadis weyn saarey.

Previous Post

AFRICOM Commander visits Djabuti, Somalia and engage with partners in the region

Next Post

Diyaar garowga shirka wada tashiga arrimaha doorashooyinka oo meel gabagabo ah maraaya

Next Post
Diyaar garowga shirka wada tashiga arrimaha doorashooyinka oo meel gabagabo ah maraaya

Diyaar garowga shirka wada tashiga arrimaha doorashooyinka oo meel gabagabo ah maraaya

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In