Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Caalamka

Nin qalqal geliyay Dalal badan oo Yurub ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Caalamka, Maqaallo, Wararka
0
Nin qalqal geliyay Dalal badan oo Yurub ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Askari horay uga tirsanaa militariga dalka Belgium oo lagu magacaabo JURGEN ayaa ku jira dhuumaaleysi laga bilaabo taariikhdu marki ay ahayd 19-kii bisha May kedib markii ay soo shaac baxday inuu heysto hub farabadan iyo bambooyin, iyadoo islamar ahaantaana uu u hanjabay mid ka mid ah diblomaasiyiinta dalka.

Waxaa la xiray xudduuudaha dalalka Holland iyo Germany, gaar ahaa qeybaha ku dhow halka uu Mr. JURGEN ku dhuumaaleysanayey. Booliiska ayaa gurigiisa ka helay hub iyo bambooyin.
Halka lagu tilmaamay inuu ku dhuumaaleysanayo ayaa ah deegaan dad Soomaali ahna ay ku nool yihiin oo loo yaqaan LUMBERG. Lumberg waxay leedahay meel howd ah halkaasoo qofki bilo ku dhexjiray ay adag tahay inay cidi aragto laakiin booliiska dalka Belgium oo isticmaalaya diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee Helicopters ayaa ilaa iyo hadda aan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan JURGEN.

Related posts

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

January 10, 2026
Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026

JURGEN wuxuu ahaa nin muddo badan laga cabsi qabay, iyadoo lagu tilmaamay inuu yahay argagixiso. Ninkani oo ay militariga fiiro gaar ah u lahaayeen iyadoo laga hayey ilaalo meelwalbana kaamirad loogu xiray ayaa hadana si qarsoodi ah ku galay xarunta hubka ku keydsan yahay dabadeedna hub badan la soo baxsaday.

Dhinaca kale dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalka Belgium gaar ahaan deegaannada ku dhowdhow halka uu JURGEN ku dhuumaaleysanayo ayaa cabsi weyn lasoo deristay. Maalintii Jimcaha waxaa amar lagu bixiyay in la xiro masaajidyada si Muslimiinta cibaadeysanaya ninkani aannu fursad ugu helin uu ku weerari karo, maadaama uu aaminsan yahay fikrado qaldan oo xagjir ah.

W. Tarjumay: Omar Mohamud Wardere

Previous Post

Dowladda oo cambaaraysay Duqayn lala beegsaday xarunta Bisha Cas Qatar ee Marinka Gaza

Next Post

Wasiir Cabdiwahaab Ugaas Xuseen oo kormeeray xarunta Wasaaradda Shaqada “SAWIRRO”

Next Post
Wasiir Cabdiwahaab Ugaas Xuseen oo kormeeray xarunta Wasaaradda Shaqada “SAWIRRO”

Wasiir Cabdiwahaab Ugaas Xuseen oo kormeeray xarunta Wasaaradda Shaqada "SAWIRRO"

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

January 10, 2026
0

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada Jeddah kulan ay kaga hadleen horumarrada...

The OIC, the State of Palestine join Somalia in condemning Israeli interference into its sovereignty and territorial integrity

The OIC, the State of Palestine join Somalia in condemning Israeli interference into its sovereignty and territorial integrity

January 10, 2026
0

The Council of Foreign Ministers of the Organization of Islamic Cooperation (OIC) held its 22nd extraordinary session today, Saturday, 10...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Somalia FM Addresses OIC Meeting, Calls for Protection of Somalia’s Sovereignty

January 10, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, delivered a speech on Saturday evening at the...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo khudbad ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In