Gudomiyaha maxkamada Qeybta 27aad Ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdule Aadan ayaa weydiinayo Cabduqaadir Faarax Dhaqane iyo Maxamuud Xuseen Aadan jiritaanka Eedda ay Xafiiska Xeer Ilaalinta CQS soo diyaariyeen.
Intaas kadib waxaa la gudda galay dhageysiga Maragyo isugu jiro Ciidan iyo Rayid oo ay Maxkamadda wax ka weydiisay Ogaalkooda sida ay wax u dhaceen.
Gashaanle Axmed cabdulahi oo ah Baaraha Kiiskan ayaa maxkamadda usheegay in natiijada Baaristooda ay u soo baxday ku tala gal Dambi.
Gaashanle Maxamed Cabduqaadir Maxamed oo sharaxayay kiiskan ayaa Maxkamadda la wadaagay in Eedeysanayaasha ay si ku tala gal ah u galeen dambiyada uu ku soo eedeeyay Xafiiska Xeer Ilaalinta CQS.
Cadaymaha dambi Muujinta sida Xaanshida Cadeynta dhimashada dhakhtarka oo ay bahda Caaafimaadku sheegeen in ay u Muuqato in xabadaha marxuumiinta ay u dhinteen ay ahaayeen kuwa lagu hubsaday AFSAAR.
Xeer ilaalinta ayaa ka codsatay Garsoorka in lagu xukumo labada Eedeysane Ciqaab u dhiganto Qodobada Eedda ku xusan.
Maxamed Xuseen Cumar oo ah Qareenka udoodayay Eedeysanayaasha ayaa weydistay Maxkamadda in mag dhow laga qaado labada Eedeysane oo uu sheegay in aysan jirin Eedo hore oo loo haysto.
Gaashanle Maxamed Amiin Guddoonka Fadhiga ayaa soo xiray Garmaqalka Eedda kadhanka ah Cabduqaadir Faarax Dhaqane iyo Maxamuud Xuseen Aadan oo ka kala tirsan Ciidanka Boliiska iyo Ciidanka Xoogga dalka.
Edited:- Abdulkadir Isse