Wednesday, February 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Faransiiska oo maanta tagay dalka Rwanda

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Faransiiska oo maanta tagay dalka Rwanda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa maanta tagay dalka Rwanda, waa safar heerkiisu sareeyo oo la doonayo in lagu hagaajiyo xiriirka labada dalka ka dib todobanaan sano oo Rwanda Faransiiska ku eedeynaysay in uu ku lug lahaa xasuuqii dalkaas ka dhacay 1994.

Macron ayaa subaxnimadii hore saaka oo khamiis ah tagay caasimadda Rwanda ee Kigali, isagoo wada hadal la yeelan doona madaxweyne Paul Kagame, laakiin arrinta xiisaha leh ayaa ah marka Macron hadal ka jeedinaya xarunta xasuusta xasuuqa Rwanda goobtaas oo ah meel ay ku aasan yihiin ku dhowaad 250,000 oo ruux oo kamid ahaa dadkii lagu laayay Rwanda sanadkii 1994.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo qaabilay wafdi ka socda hay’adda Mercy Corps

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo qaabilay wafdi ka socda hay’adda Mercy Corps

February 3, 2026
Wasaaradda Howlaha guud XFS oo hormuud u ah dardargelinta mashruuca garoonka New Muqdisho

Wasaaradda Howlaha guud XFS oo hormuud u ah dardargelinta mashruuca garoonka New Muqdisho

February 3, 2026

Qaar kamid ah dadka Rwanda waxay Faransiiska ka filanayaan in uu raali gelin ka bixin doono, maadaama ay ku guul dareysteen in ay xasuuqa joojiyaan 100 maalmood ee ugu horeysay kaas oo lagu dilay 800,000 oo qowmiyadda Tutsi ah iyo tiro yar oo ka tirsan qowmiyadda Hutu.

Kagame, oo horey Macron ugu tagay Paris labo jeer affar sano ka hor, ayaa hoos u dhigay ahmiyadda arrintan isagoo sheegay in raali gelin ka timaadda Faransiiska ay noqonayso mid lama filaan ah.

Imaanshaha Rwanda ee madaxweyne Macron ayaa ku soo aadaysa iyadoo bishii Maarso guddi sare oo Faransiis ah oo baarayay doorka Paris ku laheyd xasuuqii Rwanda ay sheegeen in Faransiiska ka gaabiyay ka hor taga dhibaatadaas, hase yeeshee ma sheegin in Faransiiska mas’uul ka ahaa wixii ka dhacay Rwanda 1994.

Madaxweyne Kagame, waxaa uu horey u sheegay in Faransiiska uu ka qeyb qaatay xasuuqii Rwanda ka dhacay.

“Dadka reer Rwanda ma iloobi doonaan laakiin way cafin karaan doorka Faransiiska ee xasuuqaas” Kagame ayaa sidaa yiri.

Majaraha siyaasadda Rwanda waxaa haya Tutsi tan iyo markii falaagadii uu Paul Kagame hogaaminayay ay kala wareegeen xukunka dalkaas dowladdii ay hogaaminayeen qowmiyadda Hutu.

Waddooyinka caasimadda Kigali khamiistan maanta waa kuwo xasiloon, mana jiro boor ama calamo sida caadada aheyd marka madaxweyne imaanayo la sameyn jirey.

Markii diyaaradda madaxweyne Macron u soo jaheysatay Rwanda ayuu Twitterkiisa soo dhigay” Dareen qoto dheer ayaa imaan doona saacadaha soo aadan, si wadajir ah waxaa u qori doonaa cutub cusub oo ah xiriirka aan la leenahay Rwanda iyo Afrika”.

Rwanda ka did, madaxweyne Macron waxaa uu su safri doonaa dalka Koofur Afrika isagoo la kulmi doono madaxweyne Cyril Ramaphosa waxayna ka wada hadli doonaan dhibaatada cudurka COVID-19 iyo xasaradaha ka taagan gobolka.

 

Previous Post

Xiritaanka shirka wada tashiga qaran ee doorashooyinka dalka

Next Post

Madaxweynaha Masar oo tagaya Jabuuti

Next Post
Madaxweynaha Masar oo tagaya Jabuuti

Madaxweynaha Masar oo tagaya Jabuuti

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo qaabilay wafdi ka socda hay’adda Mercy Corps

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo qaabilay wafdi ka socda hay’adda Mercy Corps

February 3, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday...

Wasaaradda Howlaha guud XFS oo hormuud u ah dardargelinta mashruuca garoonka New Muqdisho

Wasaaradda Howlaha guud XFS oo hormuud u ah dardargelinta mashruuca garoonka New Muqdisho

February 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Cabdinuur Axmed, ayaa maanta shir heer...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wafdi ka socda Switzerland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wafdi ka socda Switzerland

February 3, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday Hay’adda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda Soomaaliya oo ku celisay inay ahmiyad siineyso wada-hadal Qaran

February 3, 2026
0

Dowladda Soomaaliya War-saxaafadeed ay soo saartay markale ku celisay inay ahmiyad siineyso wada-hadal Qaran Screenshot  

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In