Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr. Axmed Xuseen Macalin Dr. Gurrey oo socdaal shaqo kusoo gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ayaa kormeeray xarunta Dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland, isbitaalka weyn ee Garoowe, Sheybaarka guud iyo Xarunta Caafimaadka Gobolka Nugaal.
Wafdiga Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Soomaaliya oo ay qayb ka ahaayeen Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdulaahi Jaamac, lataliyaha arrimaha bulshada ee Xafiiska Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane cali faarax seeraar iyo Aggaaaimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr.
Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa intii uu kormeerkani socdey warbixino ka dhageystay Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan oo sharaxaad ka siiyay habka uu u shaqeeyo nidaamka caafimaad ee Puntland, gaar ahaan dadaalada ay ka sameeyeen deegaanada ka fog magaalooyinka ee lagu suuragaliyay kordhinta tirada xarumaha laga heli karo daryeelka Caafimaad ee Hooyada iyo dhalaanka.
Wasaaradaha Caafimaadka Puntland iyo Galmudug ayaa kormeerkan indho-indheynta ah ku wadaagey waayo aragnimo iyo aqoon la xiriirta tusaalooyinka muuqda ee laga sameeyay xarumaha kala duwan ee adeeg bixinta Caafimaadka kuwaa oo bixinayay dhamaanba adeegyadii loo baahnaa ee muhiimka u ahaa bulshada Garoowe.
Wasiirada Caafimaadka Puntland iyo Galmudug oo Isbitaalka Garoowe kula hadley warbaahinta ayaa sheegay in arrintani qayb ka tahay xoojinta xiriirka labada wasaaradood.
Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr. Axmed xuseen macalin Dr. Gurrey ayaa ugu dambeyn ku booriyay Puntland iyo Galmudug kawada shaqeynta hormarinta adeega aas-aasiga ah Caafimaadka Bulshada, isagoo ka warbixiyey ujeedooyinka safarkiisa uu ku kala bixinayo dhamaanba dowlad Goboleedyada dalka.
Sidoo kale Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir guddoomiyay kulan kooban oo ay ka qayb galeen labada Wasiir Caafimaad ee Puntland iyo Galmudug iyo dhamaanba howl-wadeenada Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo ka dhacey hall-ka shirarka ee Wasaaradda isla markaana lagu eegay howlaha caafimaad ee ka socda gobolada kala duwan ee Puntland.