Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble: “Xukuumadda waxay xoogga saari doontaa xal u helista fatahaadaha soo noqnoqday”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
XFS oo cambaareysay weerarkii lagu qaaday Garoonka diyaaradaha Abha ee Sucuudi Carabiya.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta socdaal ku tegay magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, isla markaana u kuurgalay saameynta ay fatahaadaha webigu ku yeesheen magaalada ayaa sheegay in Xukuumadda ay xoogga saari doonto xal u helista fatahaadaha soo noqnoqday.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in qoysaska ka barakacay fatahaadaha ay u baahanyihin kaalmo dhinac waliba leh, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacan ka geystaan caawinta Walaalahood uu saameeyay fatahaadda Webiga Shabeelle.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa yiri “Jowhar iyo daafeheeda waxaan ku soo arkay duruufo adag oo ay sababeen fatahaadaha webiga. Qoysas badan ayaa barakacay una baahan dib-udejin, cunto iyo caafimaad. Aan u istaagno caawinta walaaleheen. Xukuumaddeydu waxay xoogga saari doontaa xal u helista fatahaadaha soo noqnoqday”.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faray guddi Wasiiro ah oo qeyb ka ah Wafdigiisa inay sida ugu dhaqsiyaha badan gurmad beni’aadannimo la soo gaaraan Jowhar.

“Waxaan ciidamada qalabka sida ugu hambalyaynayaa, gaar ahaan Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta jab weyn gaarsiiyay argagixisada Al-Shabaab, waxayna dagaal kaga hayaan inta u dhexeyso Jilaable iyo labi buraale, waxaan rajeynayaa inaan garabkooda istaagno, Ilaaheyna garabkooda wuu istaagayaa, Insha Allah, guusha aad Shacabka Soomaaliyeed u soo hooyseen waa guul aan la hilmaami karin, waana idin garab taaganahay, sidaa horey ugu socda”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Previous Post

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo la kulmay Ururka Qareennada “SAWIRRO”

Next Post

Martyr Mohamed Abddiwahid dies in battle against terrorists

Next Post
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo la kulmay Ururka Qareennada “SAWIRRO”

Martyr Mohamed Abddiwahid dies in battle against terrorists

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In