Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa la kulmaysa Madaxweynaha Mexico Andres Manuel Lopez Obrador maanta oo talaada ah.
Kulankaan ayaa lagu wadaa in labada dal ay kaga wada hadlaan xal u helidda tahriibayaasha ka yimaada bartamaha Ameerika ee marinka u ah dalka Mexico oo soohdin la leh Maraykanka.
Saraakiisha labada dal ayaa lagu wadaa in ay kala saxiixdaan heshiis lagu joojinayo tahriibayaasha ka soo gudba xuduudda Mexico, soona gaara gudaha Maryakanka