Waxaa magaalada Gaalkacyo lagu qabtay munaasabadda daah furka buugga Nabadda Gaalkacyo oo ay soo agaasimeen Madasha Nabadda iyo isdhax galka Gobalka Mudug ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland
Munaasabadda ayaa waxaa sidookale ka soo qeybgalay Wasiirro aqoonyahanno iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Guddoomiyaha Madasha Nabadda iyo isdhex galka Gobalka Mudug Maxamed Sheekh Saciid oo ugu horeyn ka hadlay munaasabadda ayaa sharaxaad ka bixiyay Buugga Nabbada Gaalkacyo ee munaasabadda lagu daahfurayay iyo ujeedada rasmiga ah ee laga leeyahay.
Munaasabadda ayaa sidookale waxaa aragtidooda ku aadan Buuga Nabadda Gaalkacyo ka soo jeediyay xubno ka socday aqoonyahannada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaas oo xusay in Nabbada iyo isdhaxgalka Gaalkacyo sidii loo sii xoojin lahaa uu door ka qaadandoonno.
Guddoomiyayaasha degmada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale iyo Maxamuud Cabdi Nuur Aadan ayaa iyagunna dhankooda bogaadiyay daahfurka buugan iyagoona uga mahadceliyay Madasha Nabadda iyo isdhjax galka doorkii ay ka qaateen amniga iyo nabad galyada shacabka Magaalada Gaalkacyo