Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji, ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimadda ku meel gaarka ah ee dowlad gobaleedka KGS ,Waxaana Wasiirka garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Gen.Cabaas Amiin iyo Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Sarrreeye Guuto Maxamed Sheekh Cabdullahi Ciirow.
Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji, ayaa magaalada Baydhabo kaga qeybgalayo Tababar loo soo Xeri doonno Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.
Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...















