Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji, ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimadda ku meel gaarka ah ee dowlad gobaleedka KGS ,Waxaana Wasiirka garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Gen.Cabaas Amiin iyo Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Sarrreeye Guuto Maxamed Sheekh Cabdullahi Ciirow.
Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji, ayaa magaalada Baydhabo kaga qeybgalayo Tababar loo soo Xeri doonno Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.
Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho
Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...