Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Itoobiya  oo Canbareysay go’aankii  Jaamacadda Carabta ee biyo xireenka Wabiga Niil

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Itoobiya  oo Canbareysay go’aankii  Jaamacadda Carabta ee biyo xireenka Wabiga Niil
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa muujisay sida aysan ugu qanacsaneyn go’aanka Golaha Wasiirada Jaamacada Carabta ay Talaadadii shalay ka soo saareen Caasimadda Qatar ee Dooxa, kaa oo ay ku caddeeyeen diidmadooda ku aadan isku dayga Itoobiya ay ku dooneeysa Biyo Xireenka Wabiga Niil.

Itoobiya ayaa sidoo kale diiday shuruudihii Jaamacadda Carabta ee la xiriiray buuxinta biyo xireenka Al Nahda, iyadoo ku eedeysay Jaamacada Carabta in anay mudnaan siineynin Amniga biyaha Niil iyo danaha waddamada wadaago Biyaha Wabiga.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in Jaamacadda Carabta, ay ku dhiirrigeliso qaar ka mid ah dhicyada wadaago Wabiga Niil, halkii ay ka qaadan lahaayeen mowqif dhexdhaxaad ah.

Horaantii bishan, Wadamada Suudaan iyo Masar ayaa ku heshiiyay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii Itoobiya loogu riixin lahaa inay ka wada hadlaan buuxinta biyo xireenka Wabiga Niil, ka dib is mariwaagii ay garwadeenka ka ahayeen Midowga Afrika.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo la kulmay wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Qatar

Next Post

Wasiirka gaashaandhiga X.F.S oo gaaray Baydhabo

Next Post
Wasiirka gaashaandhiga X.F.S oo gaaray Baydhabo

Wasiirka gaashaandhiga X.F.S oo gaaray Baydhabo

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In