Saturday, July 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga Dalka oo tababar loogu soo xiray magaaladda Baydhabo

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga Dalka oo tababar loogu soo xiray magaaladda Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dowlad gobaleedka KGS mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo uu Wehliyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliaya Xasan Xuseen Xaaji, ayaa Magaalada Baydhabo Tababar ugu soo Xiray Dufcadii 6aad ee Lagu Tababaro Dugsiga Tababarka Qeybta 60aad ciidanka xoogga dalka Magaalada Baydhabo,

Munaasabadda Tababarka loogu soo Xirayay Waxaa Ku Sugnaa Taliye Xigeenka ciidanka xoogga jeneraal Cabaas Amiin ,Taliyaha Qeybta 60 aad CXDS jeneraal Maxamed Sheekh  Cabdullahi Ciirow iyo Safiirka Dowladda Uk ee Soomaaliya  Ambassador Kate Foster.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

July 25, 2026
Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Soo Bandhigtay Waxqabadka Afarta Sano ee Diblomaasiyadda Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Soo Bandhigtay Waxqabadka Afarta Sano ee Diblomaasiyadda Soomaaliya

July 25, 2026

Taliyaha Qeybta 60 aad iyo Taliye Xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed munaasabadda ka hadlay ayaa tilmaamay in DFS dadaal Xoogan ay galisay dib-u-dhiska CXDS iyo Tayeyntooda.

Safiirka Dowladda UK Ee Soomaaliya  Kate Foster ayaa Sheegtay in Dowladeeda ay diyaar u tahay ka qeybgalka Tababaridda CXDS iyadoo Xustay in Dagaalka ka dhanka ah argagixisadda ay Ku gacansiin doonaan Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in Dowlado dhowr ah oo ay ka mid tahay UK ay DFS ka Codsadeen in laga gacansiiyo Tababaradda Ciidanka taas oo uu sheegay in UK ay ku mahadsantahay Sida ay ugu qeybqaadatay Taageeridda iyo Tababaridda Cutubyo ka Tirsan CXDS  gaar ahaan qeybta 60aad.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha maamul goboleedka koonfur galbeed ayaa Cutubyadan maanta Tababarka loo Soo xeray u sheegay in ay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah argagixisadda iyo in ay u  istaagaan Difaaca dalkood,diintooda iyo dadkooda.

Previous Post

Wasiirka gaashaandhiga X.F.S oo gaaray Baydhabo

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobe “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobe “SAWIRRO”

Madaxweynaha Galmudug oo xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobe “SAWIRRO”

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

July 25, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay Dekedda Muqdisho, halkaas oo uu...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Soo Bandhigtay Waxqabadka Afarta Sano ee Diblomaasiyadda Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Soo Bandhigtay Waxqabadka Afarta Sano ee Diblomaasiyadda Soomaaliya

July 25, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, oo la kulmay Wakiilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, oo la kulmay Wakiilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya

July 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, oo la kulmay Wakiilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya

Defence Minister Fiqi Meets AUSSOM Chief

July 25, 2026
0

The Minister of Defence of the Federal Government of Somalia, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, today held a meeting with the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In