Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug oo xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobe “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug oo xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan, waxaa kale oo wafdi kamid ahaa Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, xubno kasocday Midowga Yurub iyo urur goboleedka IGAD.

Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada dalka iyo arrimaha Doorashooyinka, iyadoo mas’uuliyiinta ka socday Beesha Caalamka ay uga mahadceliyeen Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye sida ay uga go’antahay in doorashada dalka ay ku dhacdo hanaan wadar ogol ah isla markana la dar-dar galiyo shaqooyinka muhiimka u ah in dalka ay sida ugu dhow uga dhacdo doorasho loo dhan yahay.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Waxaa la isku raacay in la joogteeyo kulamada iyo wadatashiyada la xiriira arrimaha Doorashooyinka, iyadoo sidoo kale la isla qiray in dalka ay muhiimad weyn u leedahay in la dadajiyo howlaha Doorashooyinka.

Dhinacyada kulankan kawada qayb galey ayaa isla fahmey kawada shaqeynta arimo badan oo ay doorashooyinka qayb ka yihiin, waxaana ahmiyad gaar ah lasiinayaa sidii wada-shaqeyntu u noqon laheyd mid toos ah isla markaana Qaramada midoobe halkan uga shaqeysiin laheyd xafiiskeeda rasmiga ah sida uu sheegay- Wakiilka gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qaramada midoobe u qaabilsan arrimaha

Dhanka kale Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye ayaa soo dhaweynta wafdi kadib carabka ku adkeeyay in maamulkiisu diyaar u yahay in uu qaato doorka ugu firfircoon ee doorashada isagoo sidoo kale soo dhaweeyay in Qaramada midoobe ugu dambeyn go’aansatey in ay xafiis rasmi ah kafurato Magaalada Dhuusamareeb kadib dhowr sano oo ay soo socotay qiimeynta iyo qalabeynta xafiiskaasi.

Previous Post

Cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga Dalka oo tababar loogu soo xiray magaaladda Baydhabo

Next Post

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Ganacsiga oo mar kale furay kulamaddii maalmahii u dambeeyey ku qabsoomayey habka fogaan araga ah “SAWIRRO”

Next Post
Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Ganacsiga oo mar kale furay kulamaddii maalmahii u dambeeyey  ku qabsoomayey habka fogaan araga ah “SAWIRRO”

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Ganacsiga oo mar kale furay kulamaddii maalmahii u dambeeyey ku qabsoomayey habka fogaan araga ah “SAWIRRO”

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In