Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Ganacsiga oo mar kale furay kulamaddii maalmahii u dambeeyey ku qabsoomayey habka fogaan araga ah “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Ganacsiga oo mar kale furay kulamaddii maalmahii u dambeeyey  ku qabsoomayey habka fogaan araga ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, ayaa maanta mar kale furay kulamaddii maalmahii u dambeeyey ku qabsoomayey habka fogaan araga ah ee hordhaca u ahaa daah-furka Habka Onlaynka ah ee Diiwaan-gelinta iyo Bixinta Laysimada Shirkadaha Ganacsiga oo Wasaaradda la yeelatay Ganacsatada kala duwan ee dalka.

Barnaamijkan oo ah Website Onlaynka ah, ayaa ahmiyad weyn u leh horumarinta iyo fududeynta Ganacsiga dalka, dhiiri-gelinta maal-gashiga, kaydinta xogta ganacsiyada iyo maal-gashiga, kor u qaadista hanaanka dakhliga uruurinta iyo kobaca dhaqaalaha iyo weliba sidoo kale inuu meesha ka saarayo caqabadihii diiwaan-gelinta oo hadda wixii ka dambeeya ay Ganacsatu, iyaga oo xafiisyaddooda jooga ay diiwaan-gashan karaan helina karaan Laysanka shirkadahooda Ganacsi.

Related posts

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

October 13, 2025
Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025

Waxaana barnaamijkan dedaal badan ku bixisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo taageero iyo maal-gelin ka helaysa World Bank Africa iyo IFC – International Finance Corporation .

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda, Agaasimaha Guud iyo Madaxda hay’adaha Baangiga Adduunka iyo IFC oo kulanka maanta hadalo kala duwan ka jeediyey, ayaa sheegay in ujeedka barnaamijkan looggu soo bandhigayo Ganacsatada ay tahay siddii ka hor inta aan la daah-furin barnaamijka ay Ganacsatada faham buuxa uga sii heli lahaayeen sida uu u shaqeeyo barnamijkani iyo weliba sidoo kale siddii ay, iyaga dhinacooda ugu soo biiriyaan lahaayeen wixii talo iyo tusaaleyn ah.

Ganacsatada kala duwan ee kulanka ka soo qeyb-gashay, ayaa iyagane dhinacooda boggaadiyey barnamijkan Onlaynka ah oo ay sheegeen inuu ahmiyad weyn u lee yahay Ganacsigooda maadaama hadda laga bilaabo aanu wakhti dambe kaga lumayn xafiisyada dawladda, iyaga oo shaqooyinkooda wata ay si Onlayn ah u helayaan shatiyadooda Ganacsiga.

 

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobe “SAWIRRO”

Next Post

Safiirka Soomaliya ee Ethiopia oo warqadihiisa Ergeynimo ku wareejiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika “SAWIRRO”

Next Post
Safiirka Soomaliya ee Ethiopia oo warqadihiisa Ergeynimo ku wareejiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika “SAWIRRO”

Safiirka Soomaliya ee Ethiopia oo warqadihiisa Ergeynimo ku wareejiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika "SAWIRRO"

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

October 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa kulan rasmi ah la yeelatay dhigeeda Wasiirka Qoyska ee Dowladda aan...

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In