Friday, July 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shaqaalaha Caafimaadka ee safka hore oo la siinayo tababar ku saabsan ka hortagga iyo daweynta xaaladaha COVID-19 ee Haweenka Uurka leh “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Shaqaalaha Caafimaadka ee safka hore oo la siinayo tababar ku saabsan ka hortagga iyo daweynta xaaladaha COVID-19 ee Haweenka Uurka leh “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda gaar ahaan qaybteed Caafimaadka Hooyada iyo Taranka ayaa shalay oo Arbaco aheed 16ka Juun 2021, waxay magaalada Muqdisho ka bilowday tababarka Shaqaalaha Caafimaadka ee Safka hore oo ku saabsan ka hortagga iyo Daweynta xaaladaha COVID-19 ee Haweenka Uurka ke leh, kaas oo socon doona muddo 3 maalmood ah (16 – 18ka Juun 2021), ayadoo diiradda lagu saari doono sidii wax Looga qaban lahaa Hooyada iyo Dhallaanka qaba Cudurka COVID-19.

Hooyada uurka leh waa inay heshaa talo la xiriirta halista caabuqa COVID-19 iyo tallaabooyinka loo baahan yahay inay qaadaan, ayada iyo qoyskeedaba si ay uga badbaadaan cudurka. Waana taas waxa looga gol leeyahay tababarkan shaqaalaha caafimaadka ee safka hore oo qayb weyn ka qaadan kara xoojinta howlaha ka hortagga iyo daaweynta caabuqa COVID-19.

Related posts

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

July 23, 2026

Marka ay haweenay uur leh u baahato in Cisbitaalka loo seexiyo arrin la xiriirta caabuqa COVID-19, waxaa lagama maarmaan ah in xaruntaas ay leedahay awood lagu la soocon karo xaaladda Hooyada iyo ilmaha caloosheeda ku jira, laguna siin karo daryeelka ku haboon, waana kaas ujeedka ugu weyn ee uu xambaarsanyahay tababarka.

Waa marki u horraysay oo tababar noocaan ah oo ku salaysan Tilmaamaha Daaweynta Xaaladaha COVID-19 ee Haweenka uurka leh ee dhawaantan la ansaxiyay, ujeedkana uu yahay in dalka laga hirgeliyo, iyada oo shaqaalaha caafimaadka ee safka hore oo qaadanaya tababarkan sare loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadda shaqaalahan, kuwaas oo lagu han weyn yahay inay Dalka u horseedaan wax u qabashada Hooyada iyo Dhallaanka oo ka mid ah qaybaha u nugul caabuqa COVID-19.

Shaqaalahan caafimaadka waxay gacan ka geysan doonaan sidii ay u sii tababari lahaayeen, sare ugu qaadi lahaayeen aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha caafimaadka ee xarumihi iyo gobolladi ay ka yimadeen, si ay ayaguna awood ugu yeeshaan wax ka qabashada xaaladaha la il daran caabuqa COVID-19 .

Waxaa Hubaal in tababarkan iyo qaar kale oo soo socda ay wax tar weyn u yeelan doonaan shaqaalaha ka shaqeeya daryeelka Hooyada iyo Dhallaanka, kuwaas oo ka howl gala dhamman gobollada dalka.

 

Previous Post

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Hirshabeelle oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Istanbul “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo soo gabo gabeysay kulan looga hadlayay Warbixinta falaqeynta Waxbarashada “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo soo gabo gabeysay kulan looga hadlayay Warbixinta falaqeynta Waxbarashada “SAWIRRO”

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo soo gabo gabeysay kulan looga hadlayay Warbixinta falaqeynta Waxbarashada "SAWIRRO"

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta kulan la yeelatay bahda caafimaadka dalka oo isugu jira Hay’addaha caafimaadka dowladda...

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

July 23, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud....

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

July 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo...

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

July 23, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In