Wednesday, December 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shaqaalaha Caafimaadka ee safka hore oo la siinayo tababar ku saabsan ka hortagga iyo daweynta xaaladaha COVID-19 ee Haweenka Uurka leh “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Shaqaalaha Caafimaadka ee safka hore oo la siinayo tababar ku saabsan ka hortagga iyo daweynta xaaladaha COVID-19 ee Haweenka Uurka leh “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda gaar ahaan qaybteed Caafimaadka Hooyada iyo Taranka ayaa shalay oo Arbaco aheed 16ka Juun 2021, waxay magaalada Muqdisho ka bilowday tababarka Shaqaalaha Caafimaadka ee Safka hore oo ku saabsan ka hortagga iyo Daweynta xaaladaha COVID-19 ee Haweenka Uurka ke leh, kaas oo socon doona muddo 3 maalmood ah (16 – 18ka Juun 2021), ayadoo diiradda lagu saari doono sidii wax Looga qaban lahaa Hooyada iyo Dhallaanka qaba Cudurka COVID-19.

Hooyada uurka leh waa inay heshaa talo la xiriirta halista caabuqa COVID-19 iyo tallaabooyinka loo baahan yahay inay qaadaan, ayada iyo qoyskeedaba si ay uga badbaadaan cudurka. Waana taas waxa looga gol leeyahay tababarkan shaqaalaha caafimaadka ee safka hore oo qayb weyn ka qaadan kara xoojinta howlaha ka hortagga iyo daaweynta caabuqa COVID-19.

Related posts

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

December 2, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

December 2, 2025

Marka ay haweenay uur leh u baahato in Cisbitaalka loo seexiyo arrin la xiriirta caabuqa COVID-19, waxaa lagama maarmaan ah in xaruntaas ay leedahay awood lagu la soocon karo xaaladda Hooyada iyo ilmaha caloosheeda ku jira, laguna siin karo daryeelka ku haboon, waana kaas ujeedka ugu weyn ee uu xambaarsanyahay tababarka.

Waa marki u horraysay oo tababar noocaan ah oo ku salaysan Tilmaamaha Daaweynta Xaaladaha COVID-19 ee Haweenka uurka leh ee dhawaantan la ansaxiyay, ujeedkana uu yahay in dalka laga hirgeliyo, iyada oo shaqaalaha caafimaadka ee safka hore oo qaadanaya tababarkan sare loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadda shaqaalahan, kuwaas oo lagu han weyn yahay inay Dalka u horseedaan wax u qabashada Hooyada iyo Dhallaanka oo ka mid ah qaybaha u nugul caabuqa COVID-19.

Shaqaalahan caafimaadka waxay gacan ka geysan doonaan sidii ay u sii tababari lahaayeen, sare ugu qaadi lahaayeen aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha caafimaadka ee xarumihi iyo gobolladi ay ka yimadeen, si ay ayaguna awood ugu yeeshaan wax ka qabashada xaaladaha la il daran caabuqa COVID-19 .

Waxaa Hubaal in tababarkan iyo qaar kale oo soo socda ay wax tar weyn u yeelan doonaan shaqaalaha ka shaqeeya daryeelka Hooyada iyo Dhallaanka, kuwaas oo ka howl gala dhamman gobollada dalka.

 

Previous Post

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Hirshabeelle oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Istanbul “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo soo gabo gabeysay kulan looga hadlayay Warbixinta falaqeynta Waxbarashada “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo soo gabo gabeysay kulan looga hadlayay Warbixinta falaqeynta Waxbarashada “SAWIRRO”

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo soo gabo gabeysay kulan looga hadlayay Warbixinta falaqeynta Waxbarashada "SAWIRRO"

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

December 2, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin, waxaana munaasabadda lagu martigeliyey...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

December 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowladda UK oo...

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

December 2, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi sare...

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

December 2, 2025
0

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta kormeeer kooban ugu tagay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In