Saturday, September 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska maalinta xoriyadda Jabuuti ee 27-ka June (warbixin)

admin by admin
June 27, 2021
in Wararka
0
Xuska maalinta xoriyadda Jabuuti ee 27-ka June (warbixin)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dadka reer Jabuuti waxa ay ka mid yihiin shucuubta Soomaalida ee nasiibka u helay in ay ku noolaadaan geeska Afrika,gaar ahaan deegaanada Soomaalida ee la isku oran jiray dhulkii udugga, waxayna halgan adag u soo galeem sidii ay u noqon lahaayeen dad xor ah oo leh dowlad madax-bannaan.

Sanadkii 1839-kii waa markii ugu horeysay ee gumeysiga Faransiiska uu sahan ku tagay dalka Jabuuti,isagoo ku andacoonaya in uu raadinayo goobo uu ka fushado danahiisa sida  Xeebaha badda Cas ,wuxuuna waqtigaasi Jabuuti ugu magac-daray dhulka Faransiiska  ee Somaliland.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay Duqa Magaalada Minneapolis

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay Duqa Magaalada Minneapolis

September 20, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Shiinaha

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Shiinaha

September 20, 2025

Sanadihii 1869-1888-dii Faransiisku,wuxuu heshiis la galay odoyaasha beelaha ,si ay ugu ogolaadaan  in gacankaTajura uu ku darsado magaalooyin uu horay u heystay sida Obokh,Dikhil iyo  kuwo kale.

Dhanka kale,Xilligaasi waxaa Gobolada Woqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya ka jiray gumeysi la mid ah kan Faransiiska,oo ay horkacayeen Ingiriiska iyo Talyaaniga, waxaana qabsashada dhulka Soomaalida ay  dhaliyeen in la mideeyo awoodda dadka, meelna looga soo wada jeesto quwadaha shisheeye ee geyiga u yimid in ay ka gurtaan kheyraadka dabiiciga ah ee dhaxalka umadda.

Dhaq-dhaqaaqyo xornimo doonka ah oo loogu magac daray xoreynta xeebaha jabuuti ,ayna horkacayaan dhallinyaro isku baheystay Ururka Somal Pan, ayaa bartamihii qarnigii 19-aad ka bilowday gudaha dalka Jabuut,,iyagoo taageero ka helay ururkii Dhallinyarada Soomaaliya ee SYL, tallaabadaasina waxa ay noqotay bilow wanaagsan oo loo qaaday raadinta xornimo taam ah oo dhameystiram.

Sanadihii1958-dii dowladda Faransiiska oo taageero ka heystay qaar ka mid ah odayaasha beelaha iyo kuwo daba-dhilif ah ,ayaa qabtay afti dadweyne oo ku saabsan in Jabuuti ay ku sii jirto maamulkii Fransiiska iyo in ay qaataan madaxbannaani,waxaana arintaasi ay ku dhamaatay in dadka Jabuti ay ku sii jiraan maamulkaasi.

Codeynta aftidaasi,oo lagu tilmaamay in ay ku dhacday qaab ku shubasho ah oo ay daneynaayeen Faransiiska,waxay kalliftay in shacbiga Jabuuti ay colaad iyo naceyb u qaadaan maamulkii Jabuuti ee taabacsanaa gumeysigii Faransiiska,

Siyaasiyiin badan oo uu kamid ahaa Maxamuud Xarbi ayaa dadaal u galay in Jabuuti ay la midowdo Soomaali,isagoo xilligaasi ahaa  ku xigeenkii golaha xukuumadda ee maamulka dhulka Faransiiska,wuxuuna  sanadkii 1960- ku dhintay shil diyaarad oo lagu micneeyay in uu ahaa shirqool ay maleegeen cadowgii shisheeye.

Maxamuud Xarbi oo ahaa siyaasi jeclaa midowga dadka Soomaaliyeed,kana horjeeday gumeysiigii Faransiiska ee qabsaday Jabuuri, waxa uu muteystay oo abaal ahaan uu u helay in lagu qoro diiwaanka halgamayaasha Soomaliya,isagoo si gaar ah  loogu magac daray dugsi ka mid ah kuwa ku yaalla Muqdisho .

Dhinaca kale,Cali Caarif Burhaan ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii ku caanbaxay naceybka midowgii dadka Soomaaliyeed,wuxuuna sanadihii u dhaxeeyay 1960-66-dii ,isagoo la safan maamulkii gumeysiga Faransiiska uu si cad u muujiyay sida uu uga horjeedo in lagu biro bahweyntii Soomaaliyeed.

Sanadkii 1967-dii, Faransiiska iyo maamulkii been abuurka ahaa ee loo sameeyay Jabuuti,waxaa,iyagoo raadinaya kalsoonida shacabka ay magacii dhulka Faransiska ee Soomaaliland ku baddaleen dhulka Faransiiska ee Canfarta iyo Ciisaha.

Toban sano ka dib,afti la qabtay 8-dii May 1977-dii  dadka reer Jabuuti,ayaa u codeeyay in ay doonayaan madax-bannaani,waxaana bil kadib 27-kii June 1977-dii loo dareeray doorashooyin uu ku soo baxay madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka Jabuuti Mudane Xasan Guuleed Abtidoon oo talada ka dagay sanadkii 1999-kii.

Wafdi ka socday Dowladii Mileteriga ee Soomaaliyeed oo uu hoggaaminaayey Xuseen Kulmiye Afrax Madaxweyne ku xigeenkii, ayaa ka qeybgalay xafladdii caleeemo saarka madaxweynaha cusub ee Jabuuti ,waxayna shacabka dalkaasi la qeybsadeen farxadda iyo dabbaaldegyada loo sameeyay maalinta xoriyadda iyo dhalashada dowladda cusub.

Inkastoo lagu guuleystay helitaanka xornimo taam ah iyo dowlad cusub oo ay heleen Jabuuti,haddana,waxaa halkaasi ku soo gabagabobay dadaal socday 1960-77-dii oo Dowladdii Rayidka iyo Dowladdii Mileteriga ee Soomaaliya ay u galeen sidii dadka Jabuuti ay wax ula qeybsan lahaayeen bulsh weynta Soomaaliya.

Dad badan ayaa  naftooda ku waayay intii uu socday halgankii reer Jabuuti ,kuwo kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo naafeeyay xubno kamid ah jirkooda,halka  sidoo kale ay jireen  kumanaan ruux oo laga masaafuriyay dalka Jabuuti iyo qaar kale oo laga buuxiyay xabsiyo gaar ah oo ay maamulayeen gumeysiga Faransiiska.

Maanta oo ah 27-ka Juun ee xuska sanadguurada 44-aad ee ka soo wareegatay markii dalka Jabuuti uu sandkii 1977-dii xoriyaddiisa ka qaatay Faransiiska,waxaa dabbaaldegyo iyo xaflado lagu maamuusaayo maalintaasi ay ka kala dhaceen Magaalooyin ka mid ah Jabuuti , Soomaaliya iyo dalal kale.

Munaasabaddaan  oo ah mid sanadle oo lagu soo bandhigo halgankii ay dadka Jabuuti u soo galeen xoriyadda iyo sida loo sii xoojin karo howlaha ku aadan horumarka socda ayaa xilligaan ku soo beegantay markii shanaad ee xilka madaxtinimada dalka Jabuuti uu ku guuleystay Ismaaciil Cumar Geelle.

Haddaba,anagoo ka faa’odeysaneyna xuska munaasabadda sanadguurada 44-aad ee ka soo wareegatay markii la helay xoriyadda dalka Jabuuti aawadeed,waxaan dhambaal hambalyo ah u direynaa shacbiga Soomaaliya,gaar ahaan dadka  reer Jabuuti ee ku kala nool gudaha dalka iyo dibadda.

Dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeeyay dalka Jabuuti,waxa uu ku tallaabsaday horumar lixaad leh oo ka muuqda kaabayaasha dhaqaale ee dalkaasi,waxaana arrinkaasi sababay dhulka Jabuuti oo Istraatiiji ahaan ku yaala badda Cas yo gacanka Cadmeed,islamarkaana xuduudo la leh dalalka Soomaaliya,Ereteriyai yo Itoobiya,

W/qoray Shire Xasan Kulmiye

Previous Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose “SAWIRRO”

Next Post

Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo jab xoogan u geystay Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Next Post
Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo jab xoogan u geystay Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo jab xoogan u geystay Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay Duqa Magaalada Minneapolis

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay Duqa Magaalada Minneapolis

September 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(MINNIAPOLIS): Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa maanta kulan...

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Shiinaha

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Shiinaha

September 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga JFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Beijing kulan doceed kula yeeshay Wasiirka Difaaca Jamhuuriyadda Dalka Shiinaha,...

Muungaab oo ka dhawaajiyay mashaariic cusub oo laga hirgalinaayo degmooyinka gobolka

Muungaab oo ka dhawaajiyay mashaariic cusub oo laga hirgalinaayo degmooyinka gobolka

September 19, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale oo uu hoggaaminaayey ayaa ka qeybgalay kulan wacyigelin ah oo lagu qabtay Degmada Kaxda...

Bandhigga Shirweynaha 1-aad ee Ururka Haweenka Beeralayda oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

Bandhigga Shirweynaha 1-aad ee Ururka Haweenka Beeralayda oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

September 19, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha XFS Sahra Yuusuf Cige iyo qaar kamid ah,maamulka Gobolka Banaadir,Bangigga Horumaarinta iyo marti sharaf kale...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In