Munaasabad lagu maamusayay 44-sana guuradii kaso wareegatay markii Jabuuti ay xurnimad ka qaadatay gumestihii Faransiiska sanadkii 1977-dii ayaa lagu qabtay Degmada Buulo-burde waxana munaasabada dabaal dega kaso qeyb galay Taliska Ciidamada Jabuuti ee Degmada Taliska qeybta27 Maamulka Degmada iyo Marti sharaf kale.
Taliyaha Ciidamada Jabuuti qeybtooda ka howlgasha Degmada Komando Maxamud Omar Farax oo ugu horen munaasabada ka hadlay ayaa ciidamada jabuuti iyo guud ahaan shicibka rer jabuuti ugu hambalyey maalinta xuriyada waxana ugu baaqay ciidamada iney ka shaqeyaan midnimada dadka soomaaliyeed.
Komando Maxamuud Cumar Faarax taliyaha Ciidamada Jabuuti ee ka howlgalo Degmada Buulo-burde waxa uu duceyay askartii kaga dhimatay muddadii ay ku jireen howlgalada waxaana uu Alle kaga baryay inuu janadii Fardowso ka waraabiyo.
Taliyaha qeybta 27 Ganaral Maxamed Maxamuud Calasow (Tareedisho) iyo Guddoomiyaha Amniga ahana Kusimaha Guddoomiyaha Degmada Cismaan Geedi Cilmi oo ugu dambeyn munaasabada ka hadlay ayaa ugu hambalyey rer Jabuuti maalinta xuriyada waxana ay sheegeen in todobaadkan uu yahay dodobaadka xuriyada Jabuuti iyo Soomaaliya.
27’kii juun 1977’dii ayey aheyd markii Dowladda Jabuuti ay xurnimada ka qaadatay gumestihii Faransiiska waxana sanad walbo marka la gaaro xiligan oo kale u dabaal degaan sanad guurada kaso waregatay markii ay ka xuroobeen gumestaha.