Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Degmada Xuddur oo xariga ka jaray mashruuca dhismaha ceel biyood

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Maamulka Degmada Xuddur oo xariga ka jaray mashruuca dhismaha ceel biyood
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Degmada Xuddur ee Gobolka Bakool ayaa xariga ka jaray mashruuca dhismaha ceel biyood oo ay wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyada koonfur galbeed ka hirgelisay degmada Xuddur.

Hirgelinta mashruuca Soolarka waa nidaan muhiimad gaar ah u leh bulshada reer Xuddur oo iyagu isticmaalayay wadaan gacmahooda uga soo dhaansadaan ceelasha iyo matooro ubaahan shidaal qarashkiisuna aysan awoodin bulshada reer Xudur.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo soo dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan

April 8, 2026

Si baahidaas loo daboolo wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha koonfur galbeed oo kaashanaysa hay’adda NRC ayaa hirgelisay nidaamka soolarka cadceeda ku shaqeeya oo korontadiisa biyaha ka soo saarto ceelka gayna doonto biyaha  goobo fog fog.

Goobta xarig-jarka waxaa goob-joog ka ahaa wakiillo  a kala socday wasaaradda tamarta iyo biyaha koonfur galbeed, hay’adda NRC, maamulka degmada Xuddur iyo kan gobolka Bakool, ugu horeyn waxa faahfaahin kabixiyey mashruuca Madaxa Xafiiska NRC Koonfur Galbeed Qaasim Maxamed Aadan isagoonna tilmaamay in mashruucan uu wax badan u tari doono bulshada Koofur-galbeed.

Agaasimaha waaxda biyaha wasaaradda tamarta koonfur-galbeed Liibaan Axmed Cabdulaahi ayaa maamulka iyo guddiga biyaha ku wareejiyey ceelka iyo agabkiisa, isagoona u mahad celiyaya hay’adda NRC oo iyadu kaalin ween ka qaadatay xarig jarka ceelka biyaha.

Previous Post

Wasiirka Caafimaadka Galmudug oo daahfuray Shirka isku xirka mashaariicda caafimaadka Galmudug.

Next Post

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo ka Qeybgalay Munaasabad Lagu Daahfurayay Dahab Tawer “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo ka Qeybgalay Munaasabad Lagu Daahfurayay Dahab Tawer “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo ka Qeybgalay Munaasabad Lagu Daahfurayay Dahab Tawer “SAWIRRO”

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo soo dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan

April 8, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxay si diirran u...

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

April 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay wada-tashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo uu...

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Raisedon Zenenga

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Raisedon Zenenga

April 8, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa la kulmay Mudane Raisedon Zenenga, Ku simaha Madaxa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In