Saturday, June 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarashada Galmudug oo kormeeray xarunta imtixaanaadka ee Dhuusamareeb

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
July 2, 2021
in Wararka
0
Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarashada Galmudug oo kormeeray xarunta imtixaanaadka ee Dhuusamareeb
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Shariif Maxamed Khaliif oo ay wehliyeen Mas’uuliyiin ka socota hay’adda Badbaada Caruurta ( save the Children ) ayaa maanta kormeeray goobo ay ka mid yihiin xarunta waaxda Imtixaanada wasaaradda waxbarashada oo ay ka socotay saxida imtixaankii dhawaan la qaadey ee fasalka 8-aad guud ahaan dugsiyada Galmudug iyo Goobo kale oo ay ka mid yihiin dhismaha xarunta dhexe ee wasaaradda iyo Mashruuca dib u dhiska dugsigii sare ee gobolka Galgaduud oo dhamaanba ka soconaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Madaxda save & wasiir ku xigeenka ayaa kormeerkan ugu kuur galey sida ay u socdaan howlahan, iyagoo xog wareysi la yeeshay injineerada gacanta ku haya Mashaariicda dhismaha iyo macalimiinta saxayaa imtixaanka oo dhamaantoodba rajo wanaagsan ka muujiyey in mudada loogu talagaley lagu soo idleeyo howlahan.

Related posts

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025

Axmed cumar Ibrahim oo ka mid ah madaxda hay’addaha save the Children ayaa ku amaanay Wasaaradda waxbarashada Galmudug sida ay durbaba u dardar galisay mashaariicda waxbarashada oo qayb ka ahaa tiro mashaariic ah oo hey’addani taageertay isla markaana ka socda degmooyinka Galmudug.

Ugu dambeyn Wasiir ku xigeenka Wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Shariif Maxamed Khaliif ayaa sharaxaad guud ka bixiyey sida ay u socoto shaqada wasaradda iyo xiliga la shaacin doono natiijada kama dambeysta ah ee imtixaanka Wasaaraddu ka qaadey ardayda fasalka 8-aad ee deegaanada Galmudug.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah ogaanshaha iyo la socodka mashaariicda lagu tayaynayo waxbarashada Galmudug ee ka socda degmooyin dhowr ah kuwaa oo sanadkan lagu howlgalinayo tiradii ugu badneyd ee iskuulo ah.

Tags: Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarashada Galmudug oo kormeeray xarunta imtixaanaadka ee Dhuusamareeb
Previous Post

Guddiga doorashooyinka dadban oo doortay Guddoomiye ku meel gaar ah

Next Post

Qarax sababay dhimasho hal qof iyo dhaawac oo ka dhacay deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay

Next Post
Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Baydhabo “SAWIRRO”

Qarax sababay dhimasho hal qof iyo dhaawac oo ka dhacay deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025
0

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha Argagixisada iyo in uu dadka ku tashkiilin jiray inay ku biiraan...

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

June 5, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cumar Maxamed, ayaa furay maalinta labaad ee Shirweynaha...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

June 5, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aaden, ayaa ka qayb galay shir heerkiisu sarreeyo oo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In