Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tunusia oo ugu baaqaya Itoobiya inay joojiso buuxinta biyo xireenka Wabiga Nile

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Tunusia oo ugu baaqaya Itoobiya inay joojiso buuxinta biyo xireenka Wabiga Nile
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaraar qabyo ah oo ka soo baxay Dowladda Tunisiya oo ka tirsan Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqaya dhigeeda Itoobiya inay joojiso buuxinta biyo xireenka Al-Nahda ee wabiga Nile.

Tunusia ayaa u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay qaraar qabyo ah oo Xukuumadda Addis Ababa looga codsanayo inay joojiso buuxinta biyo xireenka ay Itoobiya ka dhisayso wabiga Nile, kaasi oo ay sheegtay in uu sababi karo isku dhac u dhexeeya waddamada wadaaga Biyaha Wabiga Nile, oo ay ka mid yahiin Masar  iyo Suudaan.

Related posts

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ee khawaarijtii …..

January 12, 2026
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026

War ay baahisay wakaaladda wararka Faransiiska, ayaa lagu sheegay in Golaha Ammaanka ay ka codsanayo Masar, Itoobiya iyo Suudaan in ay dib u bilaabaan wadaxaajoodyadii ku saabsanaa Biyaha Nile.

Sida ku xusan qaraarka qabyada ah ee ay ka soo baxay Tunusia, ayaa lagu sheegay in ay muhiimtahay hubinta awooda ay Itoobiya u leedahay inay soo saarto tamarta laga dhaliyo Biyo xireenka Al-Nahda iyadoo laga hortagayo in waxyeello loo geysto amniga biyaha Nile.

Tallaabada haddii ay Itoobiya  ku dhaqaaqdo waxaa ka dhalan karo xiisadda u dhexeysa saddexda dal, halka Tunusia, oo xubin aan joogto ahayn ka ah Golaha Amniga, ay codsatay kulan deg-deg ah oo ay yeeshaan golaha si looga hadlo arrinta Biyo xireenka Nile.

Previous Post

WHO oo Dowladaha Caalamka ugu digtay in ay qaadaan xayiraadaha ka dhanka ah Covid-19

Next Post

Ra’iisul Wasaraha xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya oo gaaray magaalada Kismaayo

Next Post
Ra’iisul Wasaraha xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya oo gaaray magaalada Kismaayo

Ra’iisul Wasaraha xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya oo gaaray magaalada Kismaayo

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ee khawaarijtii …..

January 12, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ay dhigan jireen khawaarijtii laga xoreeyey deegaanka Jilib marka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In