Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qoysas danyar ah oo loo qeybiyay raashin iyo agab kala duwan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Qoysas danyar ah oo loo qeybiyay raashin iyo agab kala duwan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Muslim Aid UK xafiiskeeda Soomaaliya ayaa horaanta todobaadkan Degmada Afgooye ka bilawday qeybinta gar gaar loogu talagalay dadka danyarta ah ee ku nool Degmada Afhooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose .

Deeqdaan oo ka koobneyd raashiinka noocyadiisa kala duwan, maacuun iyo waxyaabaha kale ee aas aasiga u ah nolosha bulshada ayaa waxaa ka faa’iideystay ku dhawaad 500 qoys oo ka mid ah danyarta ku nool Degmada Afgooye, kuwaasi oo qaarkood ka soo baracay cabsi laga qabo fatahaada webiga Shabeelle uu ka geysto Gobolka.

Related posts

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ee khawaarijtii …..

January 12, 2026
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026

Boqolaal qoys ayaa hore ugu barakacay fatahaadda Webiga Shabeelle uu ka geystay gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana ka dhasha saameyn uu ku reebo dadka xoolaha dhaqatada, beeraleyda iyo kuwa danta yar ee labadaas gobol ku nool.

Sidoo kale adeegyada kale oo loo sameeyay waxaa ka mid ahaa caafimaadka iyo in loo dhisay musqulo, maadaama ay ku nool yihiin kaamam aan laheyn dhamaan adeegyada noloshada.

Qaar ka mid dadka ka faa’iideystay ayaa ugu mahadceliyay Hay’adda Muslim Aid UK xafiiskeeda Soomaaliya gar gaarka ay u fidisay, maadaama iyagu aan awoodin, waxaana sidoo kale ay codsadeen in si joogta ah looga warqabo.

Hay’adda Muslim Aid UK xafiiskeeda Soomaaliya ayaa ka shaqeysa caawinta dadka danta yar, waxaana ay ka gacan siisaa arrimaha caafimaadka iyo Waxbarashada, waxaana ay ka howl-gashaa deegaannada Jubbaland, Koofur galbeed, Galmudug, Hirshabellle iyo Gobolka Banaadir.

Previous Post

Ra’iisul Wasaraha xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya oo gaaray magaalada Kismaayo

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeeray Dekadda Kismaayo “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeeray Dekadda Kismaayo “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeeray Dekadda Kismaayo “SAWIRRO”

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ee khawaarijtii …..

January 12, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ay dhigan jireen khawaarijtii laga xoreeyey deegaanka Jilib marka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In