Friday, June 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga dabagalka mashaariicda Hirshabeelle oo Beladweyne kula kulmay he’yadaha kale duwan ee ka howlgala Hirshabeelle “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Guddiga dabagalka mashaariicda Hirshabeelle oo Beladweyne kula kulmay he’yadaha kale duwan ee ka howlgala Hirshabeelle “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Dabagalka Mashaariicda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee heerka Wasiiro oo uu dhowaan magacaabay Madaxweynaha Hirshabelle ayaa maanta magaalada Beledweyne kula kulmay Hey’adaha kale duwan ee ka howlgala deegaannada Hirshabeelle, isla markaana mashaariicda ka wada Deegaanada Maamulkaas.

Shirkani oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Dabagalka Mashaariicda ahna Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Xiriirka Caalimiga ah  Hirshabeelle Mudane Saadaq Salaad Warsame, ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Maxamuud Cabdulle Maxamed Dheere,  Wasiirka Ganacasiga Yaxye Ismaaciil, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdiweli Sheekh Cali, Wasiirka Batroolka,  Maxamuud Wabar Xasan,  oo dhamaantood  ka tirsan  Guddiga Mashaariicda Hirshabelle, Maamulka Heer Gobol iyo heer Degmo.

Related posts

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

June 9, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

June 9, 2026

Kulanka ayaa waxaa warbixinno looga dhageystay Mas’uuliyiintii ka socday hey’adaha, kuwaa oo ka warbixiyay howlaha ay ka qabtaan dhamaan Deegaannada Hirshabeelle, mashaariicda hadda socota iyo qorshayaasha ay ka leeyihiin dar dargalinta Mashaariicda Horumarinta ah iyo tan gar gaarka.

Guddiga ayaa hey’adaha kala hadlay muhiimadda ay leedahay mashaariicda ay fulinayaan in ay ku saleeyaan baahiyaha deegaanka, isla markaana ay Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Hey’adaha ay ka wada shaqeeyaan dar dargalinta mashaariicaha kale duwan oo ay Hirshabeelle u baahantahay.

Guddigani ayaa tan iyo markii la magacaabay ku howlanaa dabagalka mashaariicda Hirshabeelle ay ka fuliyaan hay’aha, iyagoo sidaan oo kale kulamo kula yeeshay magaalada Muqdisho Hey’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala Xalane, waxaana sidoo kale meel wanaagsan maraya Fulinta Mashruuca Biyo xireenka Beledweyne oo ay maalgalineyso Dowladda Talyaaniga.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeer ku tegay Taliska qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf ku maamuusay Guddiga iyo Howlwadeennadii Xuska Todobaadka Xorriyadda “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf ku maamuusay Guddiga iyo Howlwadeennadii Xuska Todobaadka Xorriyadda “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf ku maamuusay Guddiga iyo Howlwadeennadii Xuska Todobaadka Xorriyadda "SAWIRRO"

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

June 9, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Suleyman Sheekh Cumar ayaa magaalada Washington DC uga qayb galay shir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

June 9, 2026
0

Muqdisho, 09 Juun 2026 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta...

Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

June 9, 2026
0

Muqdisho, 09 Juun 2026 – Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga xun tahay duruufihii...

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

June 8, 2026
0

Magaalada Muqdisho oo ka furmaya Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya, oo ah kulan heer qaran ah oo muhiim u ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In