Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga doorashooyinka Dowlad gobaleedka  HirShabeelle oo guddoon doortay

caqiil by caqiil
July 12, 2021
in Wararka
0
Guddiga doorashooyinka Dowlad gobaleedka  HirShabeelle oo guddoon doortay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulan ku yeeshay xubnaha Guddiga doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Maamul goboleedka HirShabeelle, iyaga oo doortay Guddoomiye iyo kuxigeenkiisa.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 11 Xubnood ayaa waxaa  xilka gudoomiyaha isku soo taagay Axmed Xasan Diini, waxaana iyada oo aysan jirin cid la tartantay oo ku guuleystay guddoomiyaha Gudiga doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Maamulka HirShabeelle, isaga oo helay 10 Cod.

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

Xilka guddoomiye ku xigeenka Gudiga ayaa  waxa isku soo sharaxay Xaliimo Maxamed Cismaan, waxaana , iyada oo aysan jirin musharax kale oo kula tartamay jagaadan ay heshay dhamaan codadka guddiga, iyada oo noqotay Guddoomiye kuxigeenka Guddiga doorashooyinka Dowlad gobaleedka HirShabeelle.

Horay waxaa Guddoon u doortay Guddiyada doorashada Heer Federaal, kuwa Dowlad Goboleedyada sida Maamulada, Koonfur Galbeed, Galmudug , Puntland, Jubbaland, Guddiyada doorashooyinka Maamulaya Beelaha Banaadiriga & Guddiga doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi.

 

Previous Post

Malateriga Afghanistan oo howl gal ka dhan ah Daalibaan ka fuliyay waqooyiga dalkaasi

Next Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo si rasmi ah xariga uga jaray dhismaha taliska qeybta 27-aad

Next Post
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo si rasmi ah xariga uga jaray dhismaha taliska qeybta 27-aad

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo si rasmi ah xariga uga jaray dhismaha taliska qeybta 27-aad

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In