Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab oo garab ka helaya bahwadaagtooda, ayaa duqeyn xoogan u gaystay xagjirka Al-Shabaab ee ku sugnaa magaalada Qaycad oo u dhaxeysa magaalooyinka Cammaara iyo Bacaadweyn ee dowlad Gobaleedkka Galmudug Soomaaliya, 20-ka Luulyo, 2021.
Duqeynta lagu beegsaday argagixisada Al-Shabaab, ma jiraan wax dhaawac iyo dhamasho ah oo ka soo gaaray dadka rayidka deegaankaa ku dhaqan, halka ay argagaxisada loo geystay waxyeelo xooggan.
Ugu yaraan labaatan (20) maleeshiyaadย ka tiran Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeynta, iyadoo ay jirto tiro dhaawac ah oo intaa ka badan. Khasaaraha loo geystay argagixisada Al-Shabaab ayaa ah mid aad u weyn marka loo eego howlgalkan oo ahaa mid la sii qorsheeyey, isla markaana ay ku diirsanayaan Shacabka Galmudug, maadaama shacabka laga dulqaaday falalkii xaasidnimada ahaa ee Al-Shabaab ku hayeen deegaanka.
Duqeyntan ayaa lagu baabโiyey xeerooyinka ay argagaxisada Al-Shabaab ku sameysteen aagga Qaycad, iyada oo Ciidamada Qaranka qeybabooda kala duwan ay wadaan guluf dagaal oo ay uga xaaqayaan cadowga Al-Shabaab deegannada Galmudug.
Ciidamada Xoogga Dalkaย oo garab ka helaya shacabka deeggannada Galmudug ayaa maalmahan dagaalo looga gacan sarreeyey Al-Shabaab ka waday qaybo ka tiran Galmudug, taas soo shacabka Galmudug looga xoreynayo falalkii gurracnaa ee xaasimada ahaa ee ay Al-Shabaab ka wadeen qaybo ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Danab oo wadajira ayaa ka wada shaqeynaya sidii nabad buuxda loogu soo dabaali lahaa Galmudug iyo dhammaan Soomaaliya si loo ciribtiro sharwadayaasha Al-Shabaab, ka gadaalna loo waayo meel ay argagaxisda Al-Shabaab ku dhuuman karaan.