Saturday, June 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Kumaandooska Danab oo Duqeyn la beegsaday Fariisimo Argagixisadu ku lahayeen Qaycad

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Xoogga Dalka oo howl-gal qorsheysan ku dilay Horjooge Nuug Gaab oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab oo garab ka helaya bahwadaagtooda, ayaa duqeyn xoogan u gaystay xagjirka Al-Shabaab ee ku sugnaa magaalada Qaycad oo u dhaxeysa magaalooyinka Cammaara iyo Bacaadweyn ee dowlad Gobaleedkka Galmudug Soomaaliya, 20-ka Luulyo, 2021.

Duqeynta lagu beegsaday argagixisada Al-Shabaab, ma jiraan wax dhaawac iyo dhamasho ah oo ka soo gaaray dadka rayidka deegaankaa ku dhaqan, halka ay argagaxisada loo geystay waxyeelo xooggan.

Related posts

Tianjin magaalo kulmisay taariikhda iyo tiknoolajiyada mustaqbalka ee Shiinaha

Tianjin magaalo kulmisay taariikhda iyo tiknoolajiyada mustaqbalka ee Shiinaha

June 5, 2026
WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

June 3, 2026

Ugu yaraan labaatan (20) maleeshiyaad  ka tiran Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeynta, iyadoo ay jirto tiro dhaawac ah oo intaa ka badan. Khasaaraha loo geystay argagixisada Al-Shabaab ayaa ah mid aad u weyn marka loo eego howlgalkan oo ahaa mid la sii qorsheeyey, isla markaana ay ku diirsanayaan Shacabka Galmudug, maadaama shacabka laga dulqaaday falalkii xaasidnimada ahaa ee Al-Shabaab ku hayeen deegaanka.

Duqeyntan ayaa lagu baab’iyey xeerooyinka ay argagaxisada Al-Shabaab ku sameysteen aagga Qaycad, iyada oo Ciidamada Qaranka qeybabooda kala duwan ay wadaan guluf dagaal oo ay uga xaaqayaan cadowga Al-Shabaab deegannada Galmudug.

Ciidamada Xoogga Dalka  oo garab ka helaya shacabka deeggannada Galmudug ayaa maalmahan dagaalo looga gacan sarreeyey Al-Shabaab ka waday qaybo ka tiran Galmudug, taas soo shacabka Galmudug looga xoreynayo falalkii gurracnaa ee xaasimada ahaa ee ay Al-Shabaab ka wadeen qaybo ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Danab oo wadajira ayaa ka wada shaqeynaya sidii nabad buuxda loogu soo dabaali lahaa Galmudug iyo dhammaan Soomaaliya si loo ciribtiro sharwadayaasha Al-Shabaab, ka gadaalna loo waayo meel ay argagaxisda Al-Shabaab ku dhuuman karaan.

 

Previous Post

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sweden oo si weyn ugu dabaal degay Ciidda Carafo “SAWIRRO”

Next Post

50 Al-Shabab militants among them 3 foreigners were killed in Central Somalia

Next Post
Ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Galmudug oo la wareegay deegaanka Qodqod “SAWIRRO”

50 Al-Shabab militants among them 3 foreigners were killed in Central Somalia

Tianjin magaalo kulmisay taariikhda iyo tiknoolajiyada mustaqbalka ee Shiinaha

Tianjin magaalo kulmisay taariikhda iyo tiknoolajiyada mustaqbalka ee Shiinaha

June 5, 2026
0

Tianjin, Shiinaha – Magaalada Tianjin ayaa maanta loo aqoonsan yahay mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha, ganacsiga...

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

June 3, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo ka kala dhacay deegaannada Masaajid...

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In