Monday, May 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Cadaladda XFS oo sheegay in Cadaaladda la horkeeni doono dadkii ka dambeeyey dhibaateynta Ubax “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Cadaladda XFS oo sheegay in Cadaaladda la horkeeni doono dadkii ka dambeeyey dhibaateynta Ubax “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Cadaaladda la horkeeni doono dadkii ka dembeeyey dhibaateynta Ubax Ibraahim Cabdullaahi.

Ubax Ibraahim Cabdullaahi oo 15 sano jir ah waxay la dhultaalaa dhibaatooyin isugu jira jirdil, gubis iyo in labada gacmood looga xiray muddo sil silad sida ay Warbaahinta Qaranka u sheegeen dhaqaatiirta gacanta ku haysa kiiskeeda ee Isbitaalka Madiina ka howlgala.

Related posts

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

May 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

May 11, 2026

Qoyska Ubax ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in dhaawacyada ku yaala jirkeeda ay yihiin kuwa dhammaan uu wada dhaawacanyahay oo ay kula kacday haweeney uu u geeyey Aabaheed, taas oo si arxan daro ah nolosha ugu ciqaabtay dhibane Ubax.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho waxay ku booqdeen Ubax Ibraahim Cabdullaahi, waxaana la joogtay  Hooyadeed oo dhaawaceeda loogu geeyey Gobolka Gedo oo markii horaba gabadhaan ay ku soo kortay.

Raxmo Maxamed Muxumad oo ah Hooyada dhashay Ubax waxay u sheegtay mas’uuliyiinta in dhaawacyada ku yaala gabadheeda ay u sabeen hurdo la’aan habeen iyo maalin ah.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u sheegay Ubax oo dhibane u ah dhaawacyo ay u geysteen dad ehelkeeda ah inay heli doonto cadaalad, isla markaana sharciga la marsiin doono dadkii ka dembeeyey falkaan ka baxsan beni’aadannimada

Ugu dembayntii howlgal ay ka sameeyeen ciidamada amaanka ayaa lagu soo qabtay qaar ka mid ah eedeysanayaal lagu tuhunsan yahay inay wax ka ogaayeen falkaan xanuunka badan ee la gula kacay Ubax Ibraahim Cabdullaahi.

Previous Post

Shil diyaaradeed oo ka dhacay garoonka magaalada Xudur

Next Post

Jeneraal Biixi oo shir Guddoomiyay kulan looga hadlay ciribtirka argagixisada “SAWIRRO”

Next Post
Jeneraal Biixi oo shir Guddoomiyay kulan looga hadlay ciribtirka argagixisada “SAWIRRO”

Jeneraal Biixi oo shir Guddoomiyay kulan looga hadlay ciribtirka argagixisada "SAWIRRO"

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

May 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Yugaandha,...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

May 11, 2026
0

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS ayaa ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
0

Nayroobi, Kenya – 11 Maajo 2026---Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay wejiga koowaad ee barnaamij...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

May 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Biljimka ayaa ku baaqday midnimo iyo in shacabka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qayb...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In