Sunday, August 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Kooxda Horseed oo ka adkaatay dhigeeda Dekadda, qarkana u saaran inay hanato horyaalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 22, 2021
in Ciyaaraha, Wararka
0
Kooxda Horseed oo ka adkaatay dhigeeda Dekadda, qarkana u saaran inay hanato horyaalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan ka tirsan Horyaalka heerka koowaad ee dalka oo ahaa kii ugu dambeeyay ee ay wada cayaarayaan Kooxaha Horseed iyo Dekadda ayaa galabta lagu soo gabo gabeeyay tuulada Cayaaraya ee Muqdisho.

Cayaarta oo ay u soo daawasho tegeen dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid xaafadaha kala duwan ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa soo buux dhaafiyay garoonka, kuwaasi oo aad ugu riyaaqay cayaar wanaaga ay muujiyeen labada dhinac.

Related posts

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaannada ku teedsan Webiga Shabeelle

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaannada ku teedsan Webiga Shabeelle

August 3, 2025
Magacaabista Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Beri ee Soomaaliya

Magacaabista Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Beri ee Soomaaliya

August 3, 2025

Qeybta hore ee cayaarta ayaa lagu kala nastay bar bar dhac 0-0, iyadoo labada koox ay sameeyeen fursado muhiim ahaa.

Cayaarta ayaa la isku soo laabtay qeybta labaad ee cayaarta, waxaana ay cayaarta ahayd weeerar iyo weerar celis, waxaana ugu dambeyn xidiga kooxda Horseed ee Farxaan Xidig uu shabaqa kooxda Dekadda ku hubsaday kubad aad u quruxbadan, kaasi oo cayaaarta ka dhigay 1-0, waxaana waqtigii loogu talagalay cayaarta ay ku soo idlaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday kooxda Horseed.

Kooxda Horseed ayaa iminka heysata 38 dhibcood, waxaana isha lagu hayaa kulanka beri ay foodda is dari doonaan Naadiga Dowladda Hoose (Muqdisho City Club, MCC) iyo Kooxda Gaadiidka, waxaaaa haddii laga badiyo MCC ama ay bar bardhac gasho ay horyaalka ku guuleysan doonto kooxda Horseed, balse haddii ay badiso MCC oo haatan wadata 35 dhibcood waxa ay isku dhibco noqon doonaan kooxda Horseed, waxaana Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta laga sugayaa in labada Naadiga ee Horseed iyo MCC loo qabto kulan kama dambeys ah oo lagu kala saarayo cidda ku guuleysan doonto horyaalka dalka.

Previous Post

Taliska booliska Gobolka Banaadir oo joojiyay dhismo sharci darro ah oo laga dhisayay qeybtii cabitaannada ee Hotel Taleex “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Maxkamadda Galmudug oo kormeeray saldhigga Booliska Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Maxkamadda Galmudug oo kormeeray saldhigga Booliska Gaalkacyo “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Maxkamadda Galmudug oo kormeeray saldhigga Booliska Gaalkacyo "SAWIRRO"

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaannada ku teedsan Webiga Shabeelle

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaannada ku teedsan Webiga Shabeelle

August 3, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta ka fuliyay howlgal qorsheysan oo amni xaqiijin ah deegaanada Deegaanleey, Muryaale iyo Ceelka Waranle ee...

Magacaabista Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Beri ee Soomaaliya

Magacaabista Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Beri ee Soomaaliya

August 3, 2025
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa Magacaabista Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Beri ee...

Guddoomiye Muungaab oo xilka u kala wareejiyay Guddoomiye Kuxigeenka cusub ee Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir iyo midkii hore

Guddoomiye Muungaab oo xilka u kala wareejiyay Guddoomiye Kuxigeenka cusub ee Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir iyo midkii hore

August 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xilka u kala wareejiyay Mudane Cabdimajiid Daahir...

Maamulka Gobolka Banaadir oo hay’adda SODMA ku wareejiyay deeq lacageed oo lagu taageerayo  gurmadka abaaraha gobolka Awdal

Maamulka Gobolka Banaadir oo hay’adda SODMA ku wareejiyay deeq lacageed oo lagu taageerayo gurmadka abaaraha gobolka Awdal

August 3, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa deeq lacageed oo dhan laba boqol kun...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In