Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo xilka ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Taliyihii Nabad Sugidda garoonka Aadan Cadde

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Rooble oo xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradaasi “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabaya tallaabadii muwaadiniin Soomaaliyeed looga horjoogsaday in ay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde, ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA Cabdullaahi Kullane iyo Taliyihii Nabad Sugidda ee garoonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh Cali.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble markuu arkay qodobka 21aad ee dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, faqradiisa 1aad ee dhigaya qofkasta oo si sharci ah u degan Jamhuuriyadda waxa uu xaq u leeyahay in uu si xor ah u degi karo, ugu dhex socon karo meelkasta oo dalka ka mid ah kana bixi karo”. Ayuu yiri Afhayeenka Xakuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimuu oo Warbaahinta u akhriyay bayaan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026

Afhayeenka Xukuumadda ayaa hadlakiisa ku daray “Iyadoo la tix raacayo amarkii uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble 21 July 2021, ee sida cad u qeexaya in qof muwaadin ah aan laga hor joogsan Karin in uu u safro ama ka soo dego deegaan ama gobolka ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, lagana jawaabayo falkii maanta muwaadiniin Soomaaliyeed looga horjoogsaday si sharci darro ah inay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde, taasi oo xad gudub ku ah amarkii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda iyo xaquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniintaas”.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA Cabdullaahi Kullane iyo Taliyihii Nabad Sugidda ee Garoonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh Cali, iyadoo muwaadiniitnta Soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwii maanta safarka laga xayiray inay xor u yihiin socdaalkooda, waxaana uu Ra’iisul Wasaaraha markale ku celiyay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidkasta oo ku xad gudubta dastuurka dalka, kuna dhiirata carqaladeynta geeddi socodka doorashooyinka.

 

Previous Post

Shuhaddadii ku shahiiday musiibadii ka dhacday Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar 24 July 2019 oo kulan duco ah loo sameeyay “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Amniga Hirshabeelle oo la kulmay Taliyaha ciidanka AMISOM ee Degmada Cadale “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Amniga Hirshabeelle oo la kulmay Taliyaha ciidanka AMISOM ee Degmada Cadale “SAWIRRO”

Wasiirka Amniga Hirshabeelle oo la kulmay Taliyaha ciidanka AMISOM ee Degmada Cadale "SAWIRRO"

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

March 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa soo saaray wareegto uu kumagaacabayo Wasiir Ku xigeenno cusub...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In