Wednesday, May 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Horjoogayaal ka tirsanaa Argagixisada oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Horjoogayaal ka tirsanaa Argagixisada oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Horjoogayaashaan ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibey ciidanka Qalabka sida ee howl-galada kawada Aaga u dhexeeya Guriceel iyo ceelbuur, kaddib markii uu xiriiro la soo sameeyeen Saraakiisha Ciidamada ee qaybta ka ah howl-galada culus ee Alshabaab looga saarayo Deegaanada dhuumaaleysiga ay ku joogaan ee u dhexeeya Ceelbuur iyo Guriceel iyo Madaxda Barnaamijka qaran ee dhaqancelinta maleeshiyadka DRP ee Galmudug.

Horjoogayaashaan oo lagu kala magacaabo Maxamed Nuur Bare ” iyo Mowliid Cumar faarax “Ciro” ayaa sheegay in ay ka tanaasuleen fikirkii gurracnaa ee Argagixisada, iyagoo Codsaday in la cafiyo, diyaar u yahay in ay la dagaallamaan Al-Shabaab.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daahfuray barnaamijka maalgelinta Taleefannada casriga ah

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daahfuray barnaamijka maalgelinta Taleefannada casriga ah

May 5, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Safiirkii hore Jabuuti ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Safiirkii hore Jabuuti ee Soomaaliya

May 5, 2026

Labadan xubnood oo argagaxisada u qaabilsanaa qaybta jabhaadka, mudona qayb ka ahaa ficilada argagaxisada ayaa xusey in go’aankoodan uu salka ku hayo kadib markii ay arkeen dhibaatada iyo xasuuqa kooxdan ku heyso Shacabka Soomaaliyeed.

Gaashaanle sare Cabdulaahi Cabdi Raage oo ka tirsan saraakiisha NISA ee Galmudug iyo Gaashaanle Dhexe Cabdulqaadir Maxamed Cartan ” Gasaawe” oo qayb ka ah saraakiisha Qaybta 21-aad oo soo dhaweeyay xubnahan Alshabaab kasoo tagey ayaa sheegey in ragan ay xiriir lasoo sameeyeen saraakiisha ciidanka, sidaasna ay ugu suurta gashay inay isisoo dhiibaan, kaddib markii ay qirteen dhibaatada ay argagixisada ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka xoogga dalka ayaa wada howlgallo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab dhamaan gobolada dalka waxaana ay taasi keentay in horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan ay ka soo goostaan kooxda argagixisada Al-Shabaab, iskuna soo dhiibaan Ciidamada Dowlada Federaalka iyagoo kasoo galaya Aagaga howlgaladu ka socdaan ee gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Tags: Horjoogayaal ka tirsanaa Argagixisada oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka
Previous Post

Taliyaha Booliska Soomaaliya oo isbedel ku sameeyay Taliska Booliska Jowhar

Next Post

Safiirka JFS  ee Dalka Shiinaha oo Khudbad ka jeediyay Shirka Ganacsiga Dijitalka-ka ee Beijing

Next Post
Safiirka JFS  ee Dalka Shiinaha oo Khudbad ka jeediyay Shirka Ganacsiga Dijitalka-ka ee Beijing

Safiirka JFS  ee Dalka Shiinaha oo Khudbad ka jeediyay Shirka Ganacsiga Dijitalka-ka ee Beijing

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daahfuray barnaamijka maalgelinta Taleefannada casriga ah

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daahfuray barnaamijka maalgelinta Taleefannada casriga ah

May 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta daahfuray barnaamijka maalgelinta Taleefannada casriga ah (smartphones) oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Safiirkii hore Jabuuti ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Safiirkii hore Jabuuti ee Soomaaliya

May 5, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay...

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

May 4, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka...

Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

May 3, 2026
0

Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah waxaa ka qayb galaya in ka badan 35 suxufi oo ka kala socda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In