Saturday, May 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga qaabilsan dhismaha garoonka diyaaradaha Xudur oo la gaarsiiyay deeq lacageed “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Guddiga qaabilsan dhismaha garoonka diyaaradaha Xudur oo la gaarsiiyay deeq lacageed “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Lacagtaan oo lagu wareejiyay guddiga isxilqaan ee qaabilsan dhismaha garoonka diyaaradaha degmada Xudur ayaa waxay ka timid Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Cabdinaasir, taasi oo ahayd lacag dhan kun dolar oo uu uga qeyb qaadanayo barnaamijka isxilqaaa ee garoonka lagu dhisayo iyo shan boqol dolar oo ka timid Maxamed Cabdullaahi Cani oo ka mid ah dhallinyarada qurba joogta ah ee ka soo jeeda Gobolka Bakool.

Guddiga ayaa u mahadceliyey Wasiir Aadan Cabdinaasir iyo Maxamed Cabdullaahi, sida ay uga qeyb qaadanayaan dhismaha ka soconayo garoonka magaalada Xudur, waxaana ay sheegeen inay tahay tallaabo ku dayasho mudan.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

May 9, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

May 9, 2026

14-ka bishaan dhamaanaysa ee Luulyo ayaa labilaabay dhismaha qeybo ka kooban qolal ay dadka ku nastaan, masjid, suuli iyo goobaha dadka dhoofaya lagu hubiyo, (Terminal) kaddib markii Wasiirka Gaadiidka iyo Garoomada Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed uu diyaarad u kireeyey shamiindadii lagu dhisi lahaa garoonka oo adkayd in laga helo bakhaarada magaalada Xudur, taas oo dhiiragelisay guddiga isxilqaan ee u istaagay hagaajinta dhabaha (run way) ay diyaaradaha caga dhigtan.

Garoonka diyaaradaha ee Xudur waa waddada kaliya ee u furan magaalada, wax walba oo soo gala daiyaarad ayaa lagu keenaa, taas oo sababtay in shay kasta qiimihiisa uu saddex jibaarmo.

Previous Post

Kismaayo: Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo argagixisadu ay la eegteen bus ay saarnaayeen cayaartooy

Next Post

Faah faahin qasaaraha ka dhashay qarax lala eegtay bus ay saarnaayeen cayaartooy

Next Post
50 Maxaabiis ah oo maanta laga sii daayay xabsiyada magaalada Kismaayo

Faah faahin qasaaraha ka dhashay qarax lala eegtay bus ay saarnaayeen cayaartooy

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Qatar u...

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray go’aanno ku aaddan sida ay u dhaceyso doorashada KGS ee...

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa shir-guddoomiyey kulanka amniga caasimadda...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo uu wehlinayay Xoghayaha Guud ee Guddiga,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In