Friday, March 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Hirgelinta doorashada Heer Federaal oo soo dhaweeyay natiijada doorashadii Aqalka Sare ee lagu qabtay Baydhabo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Guddiga Hirgelinta doorashada Heer Federaal oo soo dhaweeyay natiijada doorashadii Aqalka Sare ee lagu qabtay Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) wuxuu soo dhoweynayaa natiijada doorashadii Aqalka Sare ee maanta oo Isniin ah, 2-da Agoosto,2021 ka dhacday magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku meelgaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Magacyada Xildhibaannada la doortay maanta waxay kala yihiin:

Related posts

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
  1. Zamzam Ibraahim Cali
  2. Ayaan Aadan Cabdulahi
  3. Aadan Cabdinasir Maxamed
  4. Maxamuud Maxamed Cabdinuur
  5. Dr Xuseen Maxamed Daahir

Guddiga oo gudanaya waajibaadka kaga aaddan doorashadan wuxuu ku ammaanayaa dhammaan dhinacyadii gacanta ka geystay qabsoomidda doorashadan.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Mudane Maxamed Xasan Cirro, wuxuu ku ammaanay Dowlad-goboleedka Jubbaland oo hormuud ka noqotay bilaabidda doorashooyinka dalka, isla markaana wakhtigeeda ku bilowday, sidoo kale dowlad goboleedka Koonfur Galbeed inay tusaale wanaagsan u noqdeen dowlad-goboleedyada kale, ka dib markii ay soo doorteen laba (2) senator oo haween ah, kuwaas oo qeyb ka noqonaya Aqalka Sare, taas oo ka dhigeysa in haweenku ka yihiin 40% Senatorrada la doortay.

Ugu dambeyntii, Guddigu wuxuu ugu baaqayaa dowlad-goboleedyada kale inay iyaguna billaabaan doorashada Aqalka Sare si loo xaqiijiyo in doorashooyinka labada Aqal ay ku dhacaan waqtigii loo qorsheeyay.

Previous Post

Musharrax Madaxweyne Cabdikariin Guuleed oo hambalyo u diray Xildhibaannada Aqalka Sare ee laga soo doortay Koonfur Galbeed

Next Post

Wasiirka Cadaaladda XFS oo war kasoo saaray doorashadii Baydhaba

Next Post
Wasiirka Cadaaladda XFS oo war kasoo saaray doorashadii Baydhaba

Wasiirka Cadaaladda XFS oo war kasoo saaray doorashadii Baydhaba

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

March 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 171aad Guutada 17aad Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo qorsheysan Ka fuliyay Koonfurta...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Soomaali , ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xiray Madasha Bandhigga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In