Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayey ku dhiirigelinta Dumarka barashada farsamada Gacanta oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Kulan looga hadlayey ku dhiirigelinta Dumarka barashada farsamada Gacanta oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan oo u jeedkeedu ahaa qaabka gabdhaha loogu dhiirigelin karo inay bartaan, heer fiicana ka gaaraan barashada farsamada gacanta qeybaheeda kala duwan sida korontada, makaanikada, dhismaha iyo soolarka ayaa waxaa goob joog ka ahaa maamulka xarunta farsamada gacanta Xayle Bariise, Masuuliyiin ka kala socotay qaar ka mida Wasaaradaha Xukuumadda, Maamulka gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

Maamulaha Xaruunta horumarinta Farsamada gacanta ee Xayle Bariise Cabdiraxiin Xayle Bariise ayaa xusay inuu hadafkoodu yahay inay soo saaran gabdho aqoon buuxda u leh qeybaha kala duwan ee farsamada gacanta, wuxuuna dhinaca kale ballanqaaday inay labaatan gabdhood siin doonaan waxbrasho lacag la’aan ah.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Injineerada kala ah Sowdo Xuseen Suudi, Shukri Cabduqaadir Salaad iyo Caa’isha Xasan oo ka mid ah gabdha ka aflaxay xaruunta Xayle Bariise hadana ku shaqeytsa xirfadaha ay barteen ayaa gabdhaha kula taliyay inay bartaan farsamada gacanta oo ay tilmaameen inay iyagu ku faa’iideen.

Agaasimaha Waaxda Farsamada Gacanta ee Gobolka Banaadir Cabdicasiis Muqtaar Cali iyo Agaasimaha Waaxda canshuuraha ee Gobolka Banaadir Ayaan Cabdi Maxamuud ayaa xusay inay ka shaqeyn doonaan sidii ay u garab istaagi lahaayeyn gabdhaha ka guul gaara barashada farsamada gacanta.

Xarunta horumarinta Farsamada gacanta ee Xayle Bariise ayaa sanad walba soo saarta kaadiriin farsamo oo isugu jira gabdho iyo wiilaal, kuwaas oo  ku shaqeyta xirfadaha ay barteyn oo kala ah korontada, makaanikada, dhismaha, soolarka iyo qeybaha kala duwan ee farsamada gacanta la xiriirto.

Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo Kulan Qado Sharaf ah kula qaatay Madaxtooyada Isimada Puntland “SAWIRRO”

Next Post

Guddiga Baarlamaanka Galmudug u qaabilsan doorashada Aqalka Sare oo doortay Guddoon cusub

Next Post
Guddiga Baarlamaanka Galmudug u qaabilsan doorashada Aqalka Sare oo doortay Guddoon cusub

Guddiga Baarlamaanka Galmudug u qaabilsan doorashada Aqalka Sare oo doortay Guddoon cusub

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In