Munaasabad loogu sharaxayay faa’iidada Caafimaad ee naas nuujintu u leedahay Hooyada iyo dhallaankeeda, ayaa lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb waxaana ka soo qey galay madax iyo howl-wadeeno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Galmudug.
Intii munaasabadu socotay ayaa waxaa Wasaaradda Caafimaadku soobandhigtay tirada dadka ka qayb galey howshaasi balaaran ee lagu xoojinayay koriiimada carruurta iyo ilaalinta caafimaadkooda.
Maxamed Cali Ciireey, madaxa nafaqada Wasaaradda Caafimaadka Galmudug iyo qaar ka mid ah haweenka munaasabadan lagu casuumey ayaa ugu horeyn goobta ka hadlay, iyagoona sharaxay muhiimada naas nuujintu u leedahay dhallaanka.
Cabdixakiin Maxamed Diiriye, agaasimaha waaxda qorsheynta ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa intaa kadib xusey in xuska todobaadka naas nuujinta uu qayb ka yahay barnaamijyada sanadlaha ah ee lagu dhiso Caafimaadka Bulshada.
Ugu dambeyn agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed oo soo xiray xuska todobaadka naas-nuujinta ayaa tilmaamey in howshan ay qayb ahaan ka timid mas’uuliyado isku tagey oo dhamaan wada qiraya faa’iidada caafimaad ee naas-nuujinta carruurta.