Guddiga qabashada Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaamka Galmudug ayaa kulan ay yeesheen kadib soo saaray Habraaca Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.
Habraacan ayaa qeexaya in hadii musharax uu u tanaasulo musharax kale, ay qasab ku tahay musharaxa loo tanaasulay in sanduuqa cod qarsoodi ah loogu codeeyo oo hadii uu waayo 50+1 tirada guud ee Baarlamaanka Galmudug loo celiyo madaxwaynaha markale.
Arrintan ayaa ka dhigan in musharax loo tanaasulay aanan loogu codeyn doonin cod Gacan taag ah.