Sunday, March 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka cusub ee Cadaaladda Koonfur Galbeed oo kormeeray xarunta Wasaaradda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka cusub ee Cadaaladda Koonfur Galbeed oo kormeeray xarunta Wasaaradda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Arimaha Garsoorka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Xasan Ibraahim Xasan oo dhowaan la wareegay xafiiska ayaa maanta  kormeer ku sameeyay qaar ka mid ah xafiisyada Wasaaradda ay ka koobantahay, halkaasi oo uu warbixin kaga dhageystay howlaha shaqo ee ka socoto xarunta.

Mudane Xasan Ibraahim Xasan ayaa kormeerkiisa kadib kulan is barasho ah la qaatay Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, kuwaasi oo dhankooda u gudbiyay Wasiirka baaiyaha ka jirta Wasaaradda, caqabadaha iyo sida looga gudbi karo.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kormeeray dhismaha xarunta Wasaaradda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kormeeray dhismaha xarunta Wasaaradda

March 1, 2026
Danjire Maxamed Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo guddoonsiiyay Madaxda Botswana

Danjire Maxamed Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo guddoonsiiyay Madaxda Botswana

March 1, 2026

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Arimaha Garsoorka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in uu wax badan ka qaban doono baahiyaha ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah Agaasime waaxeedyada Wasaaradda, uuna diyaar u yahay in uu la yimaado qorshe howled uu wax kaga badalayo hanaanka shaqo ee Wasaaradda Cadaaladda Koonfur Galbeed.

Mudane Xasan Ibraahim Xasan ayaa xusay in sanadkan inta ka dhiman uu dhamaan deegaannada Koonfur Galbeed ka hirgelin doono xarumaha Cadaaladda iyo Garsoorka, si bulshada loo gaarsiiyo adeegyada dowladnimada, isagoo hay’adaha samafalka ka codsaday inay kaalmo dhinac kasta leh la soo gaaraan bulshada ku dhibaateysan qaar ka mid ah deegaannada Koonfur Galbeed.

Previous Post

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka qeyb galay aaska Marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur oo lagu aasay Muqdisho

Next Post

Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo daah furtay hirgelinta hay’adda adeegyada baaritaanka iyo sharciyeynta Beeraha “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo daah furtay hirgelinta hay’adda adeegyada baaritaanka iyo sharciyeynta Beeraha “SAWIRRO”

Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo daah furtay hirgelinta hay’adda adeegyada baaritaanka iyo sharciyeynta Beeraha “SAWIRRO”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kormeeray dhismaha xarunta Wasaaradda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kormeeray dhismaha xarunta Wasaaradda

March 1, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Mudane Cabdulqaadir Cali ayaa kormeer iyo la socodka heerka shaqada ku...

Danjire Maxamed Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo guddoonsiiyay Madaxda Botswana

Danjire Maxamed Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo guddoonsiiyay Madaxda Botswana

March 1, 2026
0

Danjiraha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Koonfur Afrika sidoo kalena ah Safiirka Dalalka Southern Afrika Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal cusub ka daah furay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal cusub ka daah furay gobolka Shabeellaha Hoose

March 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa daahfuray hawlgal cusub oo loogu magac daray “Hawlgalka Hillaac”, kaas oo ka socda deegaanno...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la kulmay wafdi ka socday Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la kulmay wafdi ka socday Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya

March 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kulan la qaatay u qeybsanaha Arrimaha Difaaca Safaaradda Talyaaniga ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In