Monday, December 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo daah furtay hirgelinta hay’adda adeegyada baaritaanka iyo sharciyeynta Beeraha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo daah furtay hirgelinta hay’adda adeegyada baaritaanka iyo sharciyeynta Beeraha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay kulan ku saabsan howlgalinta Hey’adda adeegyada Baaritaanka iyo Sharciyeynta Beeraha.

La socodka badqabka iyo tayada cunooyinka dalka soo gala iyo kuwa la dhoofiyo, xakameynta iyo kor u qaadida tayada abuurka, ilaalinta beeraha, ka shaqeynta bixinta shahaadooyinka beeraha,  xoojinta sugnaanta cuntada, Kobcinta wax soo saarka beeraha iyo qodobo kale ayaa looga hadlay kulankan oo u jeedkiisu ahaa ka tashiga howlgalinta Hey’adda Adeegyada Baartitaanka iyo Sharciyeynta Beeraha Soomaaliyeed oo ay horey u meelmariyeen xildhibaanada Golaha Shacabka.

Related posts

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025

Agaasimaha qorsheynta iyo siyaasadda ee Wasaaradda Beeraha Soomaaliya Maxamuud Yaasiin Cartan ayaa tilmaamay in shirkan uu ahmyad u leeyahay helida iyo la socodka tayada cunnooyinka dalka soo galo iyo abuuridda dalagyada kala duwan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Xaamud Cali Xasan oo shirka furay ayaa sheegay in muhiimadda uu leedahay kulanka uu yahay Hey’adda Adeegyada Baaritaanka iyo Sharciyeynta Beeraha Soomaaliyeed.

Intaa kadib ka qeybgalayaasha kulanka oo isugu jiray mas’uuliyiin iyo qubaro ka socotay Wasaaradda iyo ganascatada wax soo degsata  ayaa wadaagay dood ku saabsan caqabadaha iyo fursadaha ku xeendaaban howlgalinta Hey’adda Adeegyada Baaritaanka iyo Sharciyeynta Beeraha Soomaaliyeed oo u muhiim ah dalka.

Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Nuur Yuusuf Nuur oo kulanka soo xiray ayaa xusay in uu yoolkuudu yahay sidii uu dalku u gaari lahaa isku filnaansho dhameystiran.

Previous Post

Wasiirka cusub ee Cadaaladda Koonfur Galbeed oo kormeeray xarunta Wasaaradda

Next Post

Dhagayso Barnaamijka u Fiirso Fankaaga

Next Post
Dhagayso Barnaamijka u Fiirso Fankaaga

Dhagayso Barnaamijka u Fiirso Fankaaga

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kaarka codbixinta doorashada Dowladaha Hoose...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, bulshada Puntland iyo guud...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad xarigga looga jarayey...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u qaatay Kaarka codbixinta ee Dooraahada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In