Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay kulan ku saabsan howlgalinta Hey’adda adeegyada Baaritaanka iyo Sharciyeynta Beeraha.
La socodka badqabka iyo tayada cunooyinka dalka soo gala iyo kuwa la dhoofiyo, xakameynta iyo kor u qaadida tayada abuurka, ilaalinta beeraha, ka shaqeynta bixinta shahaadooyinka beeraha, xoojinta sugnaanta cuntada, Kobcinta wax soo saarka beeraha iyo qodobo kale ayaa looga hadlay kulankan oo u jeedkiisu ahaa ka tashiga howlgalinta Hey’adda Adeegyada Baartitaanka iyo Sharciyeynta Beeraha Soomaaliyeed oo ay horey u meelmariyeen xildhibaanada Golaha Shacabka.
Agaasimaha qorsheynta iyo siyaasadda ee Wasaaradda Beeraha Soomaaliya Maxamuud Yaasiin Cartan ayaa tilmaamay in shirkan uu ahmyad u leeyahay helida iyo la socodka tayada cunnooyinka dalka soo galo iyo abuuridda dalagyada kala duwan.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Xaamud Cali Xasan oo shirka furay ayaa sheegay in muhiimadda uu leedahay kulanka uu yahay Hey’adda Adeegyada Baaritaanka iyo Sharciyeynta Beeraha Soomaaliyeed.
Intaa kadib ka qeybgalayaasha kulanka oo isugu jiray mas’uuliyiin iyo qubaro ka socotay Wasaaradda iyo ganascatada wax soo degsata ayaa wadaagay dood ku saabsan caqabadaha iyo fursadaha ku xeendaaban howlgalinta Hey’adda Adeegyada Baaritaanka iyo Sharciyeynta Beeraha Soomaaliyeed oo u muhiim ah dalka.
Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Nuur Yuusuf Nuur oo kulanka soo xiray ayaa xusay in uu yoolkuudu yahay sidii uu dalku u gaari lahaa isku filnaansho dhameystiran.