Iyada oo ay sii kordhayso xiisadda u dhaxaysa labada dale e Itoobiya iyo Suudaan, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk, wuxuu ku dhawaaqay galinkii danbe ee Axaddii shalay in dalkiisu uu sii wadi doono dadaallada uu ku xaqiijinayo xasilloonida dalka ay deriska yahiin ee Itoobiya, oo ay ka jiraan colaad uu dhiig badan ku daatay oo ka dhacday gobolka Tigre.
Cabdalla Xamduuk ayaa yiri xilli uu shir jaraa’id ku qabtay Khartuum “Waxaan sii wadi doonnaa dadaallada aan ku doonayno in Itoobiya ay noqoto mid xasilloon, oo midaysan, mana jeclin inay burburto Xukuumadodda, Sidaa darteed, waxaan raadinaynaa dhammaan dhinacyada uu khilaafka ka dhaxeeya, mana joojin doonno dadaaladeena”.
Waxaa xusid mudan in Suudaan ay hore ugu yeertay safiirkeedii u fadhiyay Itoobiya, sida ay ku dhawaaqday wasaaradda arrimaha dibadda Suudaan, kadib markii Addis Ababa ay horay u diiday dadaallada Khartuum ee ku saabsan dhexdhexaadinta iyo xabbad joojin laga gaaro dagaalka ka socda gobolka Tigre.