Friday, April 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska booliska oo faah faahin ka bixiyay qarax naftii halige uu ka geystay maqaaxi ku taal Isgoyska Jubba

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Taliska booliska oo faah faahin ka bixiyay qarax naftii halige uu ka geystay maqaaxi ku taal Isgoyska Jubba
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in qaraxa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Muqdisho ay ku geeriyoodeen 4 ruux oo uu ku jiray qof naftii halige ah oo isku soo rakibay Jaakad ay ku xiranyihiin walxaha qarxa, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale.

Gaashaanle Cabdifataax oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tacsi u diray Ummadda Soomaaliyeed iyo ehelada dadkii ku dhintay qaraxa naftii haligaha uu ka geystay goob maqaaxi ah oo ku taala Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, isagoo intaa ku daray in dadka dhintay iyo kuwa dhaawac soo gaaray ay ahaayeen shacab ku qaxweynayay maqaayadda.

Related posts

Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

April 17, 2026
Madaxda Wasaaradda Sportiga XFS oo kulan muhiim ah la qaatay Ururada Dhallinyarada

Madaxda Wasaaradda Sportiga XFS oo kulan muhiim ah la qaatay Ururada Dhallinyarada

April 17, 2026

Afhayeenka ciidanka Booliska ayaa xusay in ciidamada amniga ay gaareen durba goobta uu falka ka dhacay, halkaas oo ay ka sameeyeen baaritaanno ku aadan haraadiga waxyaabihii qaraxa ku saabsanaa, isagoo tilmaamay inay argagixisada Al-Shabaab ay caado ka dhigteen xasuuqa shacabka, balse ciidamada amniga ay xoojin doonaan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Gaashaanle Cabdifataax ayaa shacabka ku booriyay inay labo jibaaraan la shaqeynta laamaha ammaanka, si looga hortago dhagarta argagixisada Al-Shabaab maleegayaan.

Previous Post

Wasiirka Cadaaladda Koonfur Galbeed oo kormeeray xarunta Maxkamadda Sare iyo Xabsiga Baydhabo “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo ka qeybgalay xuska xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo ka qeybgalay xuska xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo ka qeybgalay xuska xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga "SAWIRRO"

Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

April 17, 2026
0

Maamulka Degmada Buuhoodle,saraakiisha boliiska,kuwa daraawiishta iyo odayaasha dhaqanka ayaa yeeshay kulan looga hadlaayay xaaladda amni ee degmadaasi iyo qaabka loo...

Madaxda Wasaaradda Sportiga XFS oo kulan muhiim ah la qaatay Ururada Dhallinyarada

Madaxda Wasaaradda Sportiga XFS oo kulan muhiim ah la qaatay Ururada Dhallinyarada

April 17, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Axmed Yuusuf Xasan ayaa kulan la qaatay hoggaamiyeyaasha ururrada dhallinyarada ee ka...

Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo Nirobi kula shiray Mas’uuliyiin ka tirsan K/ Kuuriya

Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo Nirobi kula shiray Mas’uuliyiin ka tirsan K/ Kuuriya

April 17, 2026
0

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Ka hortagga iyo La dagaallanka fikradaha Xagjirka ah ee wata rabshadaha Mudane...

Kulanka Ciidanka Boliiska oo looga hadlay amniga iyo qodobbo kale oo muhiim ah

Kulanka Ciidanka Boliiska oo looga hadlay amniga iyo qodobbo kale oo muhiim ah

April 17, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan C/Laahi ayaa shirguddoomiyay kulan todobaadle ah oo loo qabtay saraakiisha  hoggaanada ciidanka Boliiska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In