Monday, August 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Afghanistan

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
August 21, 2021
in Wararka
0
Xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Afghanistan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duulimaadyadii uu Mareykanka muwaadinintiisa ku daad gureynayay ayaa dib uga bilowday Afgaanistaan ​​kadib markii la hakiyay ku dhawaad ​​7 saacadood Jimcihii.

Saldhigga Mareykanka ee Qatar ayaa noqday mid buux dhaafay oo aan qaabili karin dad dambe, taasoo kuqasbeysa Washington inay ku dadaasho inay hesho dalal kale oo qaabila dadka imanaya.

Related posts

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno katirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno katirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda

August 18, 2025
Ciidanka Xoogga oo howlgal Amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay Gobolka Shabeellada Hoose

Ciidanka Xoogga oo howlgal Amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay Gobolka Shabeellada Hoose

August 18, 2025

Waxaa wali garoonka diyaaradaha ee Kabul ka taagan jahwareer ka dhashay dadka badan ee doonaya inay garoonka ka dhoofaan.
Hoggaamiye Taalibaan ah oo ay baadi -goobayaan Mareykanka iyo QM ayaa ka soo dhex muuqday caasimadda Afghanistan ee Kabul, ka hor wada -hadallada lagu dhisayo dowlad cusub.

Khalil Haqqani, oo qayb ka ah shabakada Xaqaani ee mayalka adag, ayaa lagu sawiray isaga oo ku dhex jira dad badan oo ku sugnaa caasimada Afgaanistaan ​​jimcihii, isga oo ay hareerihiisa taagnaayeen rag hubaysan oo ku labisan dareeska milatariga.

Sawirrada ayaa muujinayay Haqqani oo masaajid ku jira oo khudbad u jeedinaya dad misaajidka ku sugnaa.

Horraantii toddobaadkan, Abdullah Abdullah – oo ah madaxa Golaha Sare ee Dib -u -heshiisiinta Qaranka ee Afghanistan – ayaa soo bandhigay sawirro kulan uu la yeeshay Haqqani iyo wafdigiisa Taliban, iyo sidoo kale madaxweynihii hore ee Afghanistan Xamiid Karzai.

Haqqani wuxuu ka mid yahay ragga sida weyn uu u baadi -goobayo Mareykanka, waxaana madaxiisa la dul dhigay $ 5 milyan.
Aasaasaha kooxda Taliban ahna hogaamiye ku xigeenka Mullah Abdul Ghani Baradar ayaa gaaray caasimada Afghanistan ee Kabul.

Sarkaal sare oo ka tirsan Taalibaan ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in Baradar uu la kulmi doono “hoggaamiyeyaasha jihaadka iyo siyaasiyiinta si loo dhiso dowlad loo dhan yahay”.

Baradar, oo sidoo kale ah madaxa xafiiska siyaasadda kooxda ee Doha, ayaa Talaadadii gaaray Afghanistan isagoo ka degay magaalada Kandahar.

Waa hogaamiyaha ugu sareeya ee Taalibaan ee hadda dalka ka jira waxaana loo badinayaa inuu noqon doono hogaamiyahadowlad ay soo dhisi donaan Taliban.

Previous Post

Shaqaalaha Rayidka ah ee DFS oo lagu amray inay qaataan Talaalka COVID-19

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Guddi Wasiiro ah u saaray baarista fal ciidamada AMISOM ay ku dileen dad rayid ah

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo casuumay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Guddi Wasiiro ah u saaray baarista fal ciidamada AMISOM ay ku dileen dad rayid ah

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno katirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno katirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda

August 18, 2025
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ee ka howlgala deegaannada Koonfur Galbeed ayaa magaalada Xudur kusoo bandhigay afar dhalinyaro ah...

Ciidanka Xoogga oo howlgal Amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay Gobolka Shabeellada Hoose

Ciidanka Xoogga oo howlgal Amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay Gobolka Shabeellada Hoose

August 18, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Cumar Beerre iyo deegaannada ku hareereysan oo ka tirsan Gobolka Shabeellada...

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo lagu guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo lagu guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

August 18, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, H.E. Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa maanta magaalada Tokyo ugu gudbisay nuqul ka mid...

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐞𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐞𝐲 𝐇𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐧𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐝d𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐞e 𝐖𝐅𝐏

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐞𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐞𝐲 𝐇𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐧𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐝d𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐞e 𝐖𝐅𝐏

August 18, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatey Wakiilka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In