Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shaqaalaha Rayidka ah ee DFS oo lagu amray inay qaataan Talaalka COVID-19

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
August 21, 2021
in Wararka
0
Shaqaalaha Rayidka ah ee DFS oo lagu amray inay qaataan Talaalka COVID-19
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  oo daahfuray talaalka ayaa ku dhawaaqay in shaqaalaha dowladda Soomaaliya ay Waajib ku tahay inay qaataan talaalka Cudurka COVID-19 maadaama looga baahan yahay inay si joogta ah u shaqeeyaan.

Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Abshirow Maxamed  oo munaasabada daahfuray ayaa sheegay in shaqaalaha dhamaan looga baahan yahay inay qaataan Talaalkaan COVID-19.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Wasiirka Wasaaradda Caafimaafka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  DR Fowsiyo Abikar Nuur ayaa sheegtay in shaqaalaga rayidka looga wada baahan yahay inay qaataan talaalkaan.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa sheegay in qofkii shaqaalaha ka mid ah ee qaadan waaya talaalka talaabo laga qaadayo.

Hirgalinta talaalkaan ayaa waxaa siwada jir ah isaga  kaashaanaya Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Guddiga Shaqaalaha Rayidka waxaana waajib ku ahaaneysa shaqaalaha rayidka iyo bulshada inay qaataan talaalkaan.

Ujeedka qaadashada talaalka COVID-19 ee Shaqaalaha Dowladda ayaa looga gol-leeyahay in la yareeyo qatarta cudurka COVID-19  iyo sidookale in shaqaaluhu si toos u bilaabaan shaqada Dowladda iyada oo laga cabsi qabin cudurka  COVID-19 waxaana hirgalintiisa iska kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Guddiga Shaqaalaha rayidka ah waxaana la bilaabi doonaa qaadashada talaalka isbuucyada soo aadan.

Previous Post

Ra’iisul wasaare Rooble oo guddoomiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka “SAWIRRO”

Next Post

Xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Afghanistan

Next Post
Xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Afghanistan

Xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Afghanistan

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In