Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel oo ku wada xiriiray khadka Telefoon-ka ayaa ka wada hadlay xaaladda Afgaanistaan, madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in talaabooyin dheeri ah la qaado si wax looga qabto qulqulka qaxoontiga Afgaanistaan maadaama Turkiga hore u qaabilay shan milyan oo magalgelyo doon ah ayna ku adag tahay inuu wajaho xaaladda magangelyo doonka Cusub.
Bayaan kooban oo kasoo baxay Agaasimka isgaarsiinta Madaxweynaha Turkiga ayaa lagu yiri “ Yurub waxa ay leedahay waajibaadyo muhiim ah si looga hortago socdaalka aan joogtada ahayn inuu isu beddelo dhibaato.”
Erdogan iyo Merkel ayaa ku heshiiyeen inay si dhow u wada shaqeeyaan si ay u taageeraan shaqada hay’adaha caalamiga ah ee Afgaanistaan iyo dalalka deriska la ah.
Xigasho: Daily Sabah.