Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay weerar dhanka cirka ah ka fulisay bariga Afghanistan oo ay ku beegsatayย koox xiriir la leh ISIL, maalin kadib weerar ka dhacay banaanka garoonka diyaaradaha Kabul oo lagu dilay ugu yaraan 175 qof iyo 13 askari oo Mareykan ah.
Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah ayaa ka duushay saldhig aan la magacaabin oo ku yaal Bariga Dhexe, waxayna la sheegayaa in ay u dhacday sidii loo qorsheegay.
Weerarka khamiistii ka dhacay Afgahanistan ayaa waxaa sheegatay ISIL (ISIS) laanteed Afgaanistaan.
Warkaan ayaa imaanaya iyadoo ciidamada Mareykanka ee caawinaya daad -gureynta Afgaanistaan oo doonaya inay ka baxsadaan taliska Daalibaan ay soo saareen digniin sabtidii ku aadan weerarro ka dhici kara garoonka diyaaradaha Kabul.